Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire Elhadji Ibrahima Diene, ayaa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya kula kulmay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta waajibaadka AUSSOM iyo xaaladaha ugu dambeeyay ee saameynaya nabadda, amniga iyo dadaallada xasilinta ee ka socda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa falanqeeyay sida howlgalka uu u sii wadi karo taageerada uu siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale dib u eegay horumarka laga sameeyay fulinta waajibaadka howlgalka, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu taageerayo ciidamada iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan sugidda amniga dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dardarta laga sameeyay dadaallada nabadda iyo xasilinta, iyagoo xusay in iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu muhiim u yahay wajahidda caqabadaha amni ee weli taagan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay sida Midowga Afrika uga go’an tahay inuu sii wado wada shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xoojiyo hay’adaha qaranka loona hormariyo geeddi-socodka nabadda iyo dib u dhiska dowladda.
Kulankan ayaa imaanaya toddobaadyo kaddib markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu yeeshay kulan degdeg ah oo looga arrinsanayay xaaladda Soomaaliya iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu joojinayo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay siiso howlgalka laga bilaabo sanadka 2027.
Midowga Afrika ayaa kulankaas ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo taageero dhaqaale iyo mid saadka oo waarta, isagoo ka digay in wax kasta oo carqaladeeya howlgalka ay dib u dhigi karaan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
