Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shir ay isugu yimaadeen taliyeyaasha ciidamada dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qorshaha mustaqbalka howlgalka AUSSOM, xoojinta isku xirka ciidamada ka howlgala Soomaaliya, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga amni ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera howlgalka.
Wafdiga Soomaaliya ee shirka ka qaybgalaya waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, waxaana sidoo kale ka qayb galaysa Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Fardowsa Maxamed Qanyare.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka ciidamada ku deeqay AUSSOM ay ka wada hadlayaan marxaladda cusub ee howlgalka iyo doorka ay ku yeelan doonaan taageerada amniga Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiintu xoogga saarayaan isku xirnaanta hawlgallada iyo diyaarinta qorsheyaal lagu xoojinayo xasiloonida dalka.
Howlgalka AUSSOM ayaa ah wejiga cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo beddelay howlgalka ATMIS, iyadoo ujeeddadiisu tahay taageeridda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegaya masuuliyadda amniga dalka.
Dalalka iyo hay’adaha taageera AUSSOM ayaa ka digaya in yaraanta dhaqaalaha ay saameyn ku yeelan karto howlaha muhiimka ah ee howlgalka, oo ay ka mid yihiin gaadiidka, shidaalka, sahayda ciidamada iyo adeegyada kale ee taageerada.
Warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in howlgalka AUSSOM uu weli wajahayo farqi dhaqaale oo weyn, iyadoo miisaaniyadda howlgalka iyo baahiyaha dhabta ah ee dhulka ka jira ay abuureen cadaadis ku saabsan sidii loo heli lahaa maalgelin joogto ah.
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa ku baaqaya in la xoojiyo taageerada caalamiga ah si aan loo wiiqin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha lagu xoojinayo ciidamada amniga Soomaaliyeed.
Shirka Kampala ayaa sidoo kale looga hadlayaa sidii dalalka ciidamada ku deeqay ay u mideyn lahaayeen qorshahooda, una heli lahaayeen hannaan waara oo lagu sii taageero howlgalka AUSSOM xilli ciidamada Midowga Afrika ay door muhiim ah ka qaadanayaan amniga Soomaaliya.
