Khubaro dhinaca amniga iyo difaaca ah oo ka kala socday waddamada ciidamada iyo booliiska ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kulankoodii farsamo ku yeeshay Kampala ka hor shirarka heerka taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirrada, ayaa ku soo gabagabeeyay in saddexda qorshe ee loo diyaariyay mustaqbalka AUSSOM aysan midkoodna hirgeli karin haddii uu joogsado taageerada saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), iyadoo aan la helin hannaan kale oo beddela.
Warbixinta ay khubaradu diyaariyeen ayaa lagu sheegay in hakad ku yimaada taageerada UNSOS uu khatar gelin karo sii socoshada howlgalka, joogtaynta saadka ciidamada iyo ilaalinta guulihii amni ee laga gaaray Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.
Waxay sidoo kale ka digeen in xaaladdaasi ay abuuri karto firaaqo amni xilli ciidamada Soomaaliya ay weli ku jiraan marxaladda kala-guurka ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Iyagoo ka duulaya qiimeyntaas, khubaradu waxay ku taliyeen in Midowga Afrika uu wada-hadal la yeesho Mareykanka si loo raadiyo waddo lagu sii wadi karo taageerada UNSOS inta lagu jiro qorshaha kala-guurka ee amniga Soomaaliya ee u dhexeeya 2024 iyo 2029.
Gunaanadka khubarada ayaa loo gudbiyay shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee Kampala, halkaas oo sidoo kale looga hadlay suurtagalnimada in la sameeyo hannaan cusub oo Afrika hoggaaminayso si uu u beddelo taageerada saadka ee hadda ay bixiso Qaramada Midoobay.
Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa ugu baaqay waddamada ka qeybgalaya shirka inay dardargeliyaan diyaarinta qorsheyaal kale oo xaqiijin kara sii socoshada howlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2026.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa qiray in loo baahan yahay qorshe loogu diyaar garoobo xaaladda ugu xun, haddii aan la helin taageerada UNSOS ama hannaan kale oo beddeli kara ka hor dhammaadka waajibaadka AUSSOM.
Qorshaha noocaas ah ayaa la filayaa inuu diiradda saaro yareynta khataraha amni, xaqiijinta bixitaan nidaamsan oo ciidamada AUSSOM ah, iyo ka hortagga in Soomaaliya ay wajahdo firaaqo amni inta lagu jiro kala-guurka.
