Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiista maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M.
Anderson, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo gobolka, iyo sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, taageerada howlgalada la dagaallanka argagixisada, iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaato tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kor u qaadista awoodda dowladda ee sugidda amniga.
Dhankiisa, Taliyaha AFRICOM, General Dagvin R.M. Anderson, ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta awoodda ciidamada, iyo xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee labada dal.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay xoojinayso howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda federaalku ay weli kaashanayso saaxiibbadeeda caalamiga ah si loo adkeeyo amniga loona taageero dib u dhiska hay’adaha amniga dalka.
