Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), xilli ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira mustaqbalka howlgalka kadib go’aankii Mareykanka ee ahaa inuu joojiyo maalgelinta taageerada saadka ee howlgalka dhammaadka sannadka 2026.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in mowqifkan lagu caddeeyay shir madaxeedkii aan caadiga ahayn ee dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan AUSSOM, kaas oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta guulaha laga gaaray la dagaallanka Al-Shabaab muddadii labaatanka sano ahayd ee la soo dhaafay, iyadoo xustay in naf-hurnimada ciidamada Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti aan la lumin karin.
Sidoo kale, Addis Ababa waxay sheegtay in Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ay in ka badan labaatan sano ka qeyb ahaayeen howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, islamarkaana ay sii wadi doonaan la shaqeynta Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ka dhashay go’aanka Mareykanka ee lagu joojinayo taageerada dhaqaale ee loo fidiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo bixiya adeegyada muhiimka ah ee saadka sida gaadiidka, sahayda, cuntada, shidaalka iyo adeegyada caafimaadka ee ciidamada AUSSOM.
Kulankii wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya ayaa lagu baaqay in bixitaanka howlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid tartiib ah, isku dubbaridan, isla markaana mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale dalbadeen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dejiyo hannaan ku-meel-gaar ah oo taageero soconaya muddo laba sano ah.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal amni ayaa ka digaya in haddii aan xal loo helin maalgelinta howlgalka, bixitaan degdeg ah uu abuuri karo firaaqo amni oo ay ka faa’iideysan karto Al-Shabaab, iyagoo barbar dhigay xaaladda suurtagalka ah wixii ka dhacay Afghanistan kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka sannadkii 2021.
Soomaaliya ayaa ku tiirsaneyd howlgalada Midowga Afrika ku dhawaad labaatan sano si ay ula dagaallanto Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan inkastoo ay socdaan howlgallo militari oo joogto ah.
