
Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Booliska Degmada Wanlaweyn, Cabdiraxmaan Nuur Axmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee degmada Wanlaweyn iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha lagu sugayo nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Madaxweynaha ayaa Taliyaha faray inuu si degdeg ah ula wareego xilka loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada iyo ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha amniga iyo maamulka degmada ay si dhow oo wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta amniga iyo maamulka degmooyinka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in Taliyaha cusub uu si rasmi ah u dardar-geliyo howlaha amni ee degmada Wanlaweyn.
