
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay xaaladda magaalada Baydhabo iyo dhiigga ku daadanaya Koonfur Galbeed Soomaaliya
.Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mas’uuliyadda dhibaatada ka dhacday Baydhabo ay saaran tahay dowladda, isagoo dhaliilay in aan laga aamusin xaaladda shacabka iyo colaadda ka taagan magaalada.
> “Baydhabo dhibka ka dhacay masuuliyadeeda dowladdu leedahay.
Waa damiir xumo in aan isha ka fiirsanno dhiigga ku daadanaya KGS.
”Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyiinta dalka aysan iska fadhin karin ama ka aamusi karin xaaladaha saameynaya shacabka, isagoo yiri:
> “Iskama fadhin karno, iskama aamusi karno! Mas’uuliyad ayaa na saaran.”
Hadalkan ayaa xambaarsan fariin siyaasadeed oo ku wajahan dowladda federaalka iyo dhinacyada ku lugta leh xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan baahida loo qabo in la ilaaliyo nolosha shacabka, lana raadiyo xal siyaasadeed iyo mid nabadeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkiisa ku muujiyay in madaxda Soomaaliyeed ay waajib ka saaran tahay inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee dalka, halkii ay ka daawan lahaayeen dhibaatooyinka shacabka ku dhacaya.
