
Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Salaad Isaaq Daa’uud, oo ka mid ahaa bahda kooxda Kalamaan ee Radio Kulmiye, kaas oo beryihii u danbeeyay ku xanuun sanaayey magaalada muqdisho.
Geerida Marxuum Salaad Isaaq Daa’uud ayaa murugo iyo tiiraanyo ku beertay qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo bahda warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha iyo bahda Radio Kulmiye.
Maamulka, wariyaasha iyo dhammaan shaqaalaha Warsan Radio waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta iyo dhammaan bahda warbaahinta ee uu ka baxay Marxuum Salaad Isaaq Daa’uud.
Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu u naxariisto, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, kana yeelo kuwa Jannatul Firdowsa lagu martiqaado.
Alle ha u naxariisto Marxuum Salaad Isaaq Daa’uud, samir iyo iimaanna Alle ha ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan intii uu ka geeriyooday.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
