Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay ardaydii ugu sarreysay ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee dhowaan la shaaciyay.
Madaxweynaha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha iyo natiijooyinka wanaagsan ee ay ka gaareen imtixaanka, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda, adkaysigooda iyo waqtiga ay geliyeen waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in waxbarashadu ay tahay tiir muhiim u ah horumarka dalka, isla markaana jiilka aqoonta leh uu door weyn ka qaadan karo dhismaha mustaqbalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale ahaa fursad lagu dhiirrigelinayay ardayda guuleysatay inay sii wataan dadaalka waxbarasho, kana faa’iideystaan fursadaha ay heli doonaan si ay mustaqbalka ugu adeegaan dalkooda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Guusha ardaydan ayaa loo arkaa dhiirrigelin ku socota guud ahaan ardayda Soomaaliyeed, iyadoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay dadaalka, adkaysiga iyo helitaanka waxbarasho tayo leh.




Warsan Radio — Codka Shacabka
