Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira maamulka, amniga, horumarka iyo qorsheyaasha Dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee maamulka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo nabadgelyada deegaanada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Golaha ayaa ka hadlay dardargelinta howlaha horumarineed, adeegyada bulshada iyo qorshayaasha muhiimka ah ee Dowladda, kuwaas oo loogu talagalay horumarinta adeegyada iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda, lana dedejiyo fulinta qorshayaasha mudnaanta u leh shacabka iyo horumarka maamulka.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo Golaha Wasiirradu ay isla meel dhigeen in la sii ambaqaado qorshayaasha Dowladda, iyadoo mudnaan la siinayo amniga, adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta maamulka.



Halkan hoose kadaawo
https://x.com/Warsannews/status/2092979625605439531