Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cqaadir Shariif Sheekhuna, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda amniga iyo saameynta ay ku yeelan karto adeegyada caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga iyo jawaab-celinta xaaladaha deg degga ah. Isagoo shirka wasiirka kaga qeybgalay hab fogaan arag ah.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Wasiir Ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Agaasimayaasha Isbitaallada Baydhabo, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka.
Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray,Saameynta xaaladda amni ku yeelan karto xarumaha caafimaadka iyo gaarsiinta adeegyada caafimaad.
Caqabadaha ka jira ambalaasyada, gudbinta bukaannada iyo adeegyada gurmadka degdegga ah.Helitaanka dawooyinka muhiimka ah, agabka caafimaadka iyo qalabka caafimaad.
Xoojinta diyaar-garowga iyo jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan marka ay dhacaan xaalado u baahan gurmad ballaaran.
Adkeynta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha amniga iyo bah-wadaagta caafimaadka.
Ugu danbeyn sidii loo heli lahaa xalal wax-ku-ool ah oo lagu yareyn karo caqabadaha hortaagan adeeg-bixinta caafimaadka.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isla qaatay qodobo iyo talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaar-garowga Wasaaradda iyo xarumaha caafimaadka, si bulshada loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo hufan, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah.
Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed waxay sii wadi doontaa xoojinta isku-duwidda, diyaar-garowga iyo wada-shaqeynta bah-wadaagta caafimaadka, si loo hubiyo in adeegyada caafimaadku sii socdaan, lana helo jawaab degdeg ah marka ay bulshada soo wajahaan xaalado caafimaad oo degdeg ah.


















