Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO kala wareegtay daawooyin loogu talagalay in lagu xoojiyo jawaabta caafimaad ee xaaladaha degdegga ah iyo dillaaca cudurrada ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Daawooyinkan ayaa gacan ka geysan doona xoojinta awoodda Wasaaradda ee wax ka qabashada xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, gaar ahaan goobaha ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo iyo dillaaca cudurrada.
Munaasabadda wareejinta daawooyinka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.
Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa uga mahadcelisay hay’adda WHO taageerada ay siiso waaxda caafimaadka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Wasaaradda iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xoojiyo jawaabta degdegga ah iyo bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.







