
Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 ayaa lafilayaa inuu goordhow ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirweynaha waxaa ka qaybgalaya madaxda hay’adaha warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya, warbaahinta dowlad-goboleedyada dalka, warbaahinta gaarka loo leeyahay, hay’adaha horumarinta warbaahinta, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale oo ku howlan arrimaha warbaahinta.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya Wasiirka Warfaafinta Federaalka Soomaaliya iyo wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha warbaahinta dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Madasha Istiraatiijiyadda Isgaarsiinta Soomaaliya 2026.
Madasha oo ay martigelinayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin dowladeed, xirfadlayaal ka tirsan warbaahinta, bulshada rayidka ah, hay’adaha horumarinta, diblomaasiyiin iyo khubaro.
Madasha ayaa sannadkan lagu qabanayaa hal-ku-dhigga: “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilliga Dijitaalka ah.”
Madashan ayaa ah shirweynihii labaad ee noocan ah ee Soomaaliya lagu qabto, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka warbaahinta iyo dejinta istiraatiijiyad lagu horumarinayo warbaahinta casriga ah ee Soomaaliyeed.
Inta uu shirku socdo, waxaa la filayaa in dhinacyada ka qaybgalaya ay ka wada hadlaan xaaladda warbaahinta dalka, caqabadaha horyaalla, fursadaha horumarineed iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo bahda horumarinta warbaahinta.
Shirweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo isbeddellada tiknoolajiyadda iyo horumarka warbaahinta casriga ah.

