Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ka galay tartan caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo lagu qabtay magaalada Dooxa dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay Soomaaliya ka gaareen tartanka, isaga oo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo kaalinta ay ka qaateen kor u qaadista magaca Soomaaliya ee tartamada caalamiga ah.
Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab istaagayso ardayda guulaha ka keenta tartamada caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ballanqaaday in dowladda ay bixin doonto kharashka waxbarashada tacliinta sare ee saddexda arday, si ay u sii wataan waxbarashadooda una horumariyaan aqoontooda.
Guusha ay ardaydan ka gaareen tartanka Qur’aanka Kariimka ah ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa dadaalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada waxbarashada iyo barashada Qur’aanka.
Saddex arday Soomaaliyeed oo guul weyn ka soo hoyay tartan Qur’aan oo caalami ah ayaa maanta lagu qaabilay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saddexda arday oo kaalmaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay ardayda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo guusha ay Soomaaliya u soo hooyeen.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballanqaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixin doonto kharashka waxbarashada tacliinta sare ee saddexda arday.

