Bannaanbax lagu muujinayay taageerada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo ka qaybgalayaashu ay xuseen kaalinta Turkiga ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo ee Soomaaliya.
Bannaanbaxa oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, maamulka Gobolka Baay, maamulka degmada Baydhabo iyo qaybo kala duwan oo bulshada ah.
Dadkii ka hadlay goobta ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Turkigu leeyihiin xiriir muddo dheer soo jiray, iyagoo dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka iyo qalabaynta ciidamada, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh iskaashi amni iyo militari oo ballaaran, waxaana magaalada Muqdisho ku yaalla Xerada TURKSOM, oo ah xarun lagu tababaro ciidamada Soomaaliyeed. Ankara sidoo kale waxay Soomaaliya kala shaqeysaa arrimo la xiriira horumarinta, gargaarka iyo maalgashiga.
Bannaanbaxa Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro dood siyaasadeed oo ku saabsan doorka Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan kadib dhacdadii 3-dii Sebtembar ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo qaraxyo ay ku dhaceen hoyga uu deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaan Taliye Shub.
Maamulka Jubaland iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa sheegay in dhacdadaasi ahayd duqeyn cirka ah oo ay ku lug lahaayeen diyaarado ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga. Eedeymahaas waxaa sidoo kale si gaar ah u sheegay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhankeeda, way beenisay inay duqeyn ka dhacday guriga Taliye Shub, waxayna sheegtay in xogtii hordhaca ahayd ay muujinaysay in qaraxu ka dhashay walxaha qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay samayn doonto baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo cidda ka dambeysay dhacdada.
Dhacdada Doolow ayaa dhalisay bannaanbaxyo iyo cambaareyn ka dhacday qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay Turkiga ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha dhacdada.
Sidaas darteed, bannaanbaxa Baydhabo wuxuu ka tarjumayaa dhinaca kale ee doodda ka taagan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qaar ka mid ah bulshada iyo masuuliyiinta Koonfur Galbeed ay muujinayaan taageerada ay u hayaan iskaashiga labada dal.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u ballaaray sannadihii u dambeeyay, iyadoo iskaashigu uu gaaray dhinacyada amniga, difaaca, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, gargaarka iyo mashaariicda horumarineed.
UST























