
Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Horumarinta iyo Bani’aadannimada, George Conway, ayaa soo dhaweeyay horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ay samaysay sannadihii u dambeeyay.
Conway ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado waaweyn oo saameeyay xaaladda bani’aadannimo iyo horumarinta dalka, isagoo xusay in dhibaatooyinkan ay yihiin caqabado ay si wadajir ah u wajahaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay dowladda Soomaaliya kala shaqeyso wax ka qabashada caqabadaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed.
George Conway wuxuu muddo dheer Soomaaliya uga shaqeynayay arrimaha horumarinta, ka hortagga iyo soo kabashada xasaradaha iyo gargaarka bani’aadannimada. Hadda wuxuu sidoo kale yahay Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada.
Qaramada Midoobay ayaa sannadkan si joogto ah uga digtay saameynta ay isku biirsadeen abaaraha, colaadaha, barakaca, cudurrada iyo khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, kuwaas oo cadaadis ku haya xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.
