
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AUSSOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda amniga ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Arrintan ayaa lagu soo hadal qaaday kulan amni oo ka dhacay magaalada Buulo Mareer, kaas oo ay ka qeybgaleen maamulka deegaanka, saraakiil ka tirsan AUSSOM, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo guutada Danab.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee degmada Kontonwaarrey iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ciidamada, maamulka deegaanka iyo bulshada si loo ilaaliyo shacabka, waddooyinka muhiimka ah iyo kaabayaasha bulshada.
Guddoomiyaha degmada Kontonwaarrey, Ibrahim Xaaji Xuseen, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya maamulka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo ciidamada ammaanka.
Gaashaanle Dhexe Don Naijuka, taliyaha guutada 143-aad ee UPDF ee AUSSOM, ayaa sheegay in wada-shaqeynta iyo isku-duwidda ciidamada ay muhiim u yihiin xoojinta xasilloonida iyo badbaadada bulshada ee Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale, Gaashaanle Faarax, taliyaha guutada 62-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa Uganda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiso iyo doorka ay ku leedahay dadaallada nabadda iyo amniga qaaradda Afrika.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad ah in la sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo wadaagga xogta, si ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM ay si wanaagsan uga jawaabaan caqabadaha amni ee ka jira Gobolka Shabeellaha Hoose.
Source 👉 UPDF and Nile Post.
Warsan radio – Codka shacabka koonfurta soomaaliya.

