Bulshada ku nool gobollada Bay iyo Bakool ayaa bilaabay inay helaan roobabkii xilliga Deyrta 2026, iyadoo roobabka laga filayo inay door weyn ka qaataan dib-u-soo-kabashada dhulka, ceelasha iyo dhaqaalaha dadka xoolaha iyo beeraha ku tiirsan.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa hore uga digtay roobab culus iyo khataraha fatahaadaha ee xilliga Deyrta, gaar ahaan iyadoo saadaasha cimiladu muujinayso roobab ka badan celceliska inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar 2026. Sida ay daabacday mareegta sodma.gov.so
Bay iyo Bakool ayaa ka mid ah meelaha ay roobabku muhiimadda gaarka ah u leeyihiin, maadaama bulshada ku nool deegaannadaas ay si weyn ugu tiirsan yihiin beeraha roob-ku-tiirsan iyo xoolaha.
Roobabka joogtada ah waxay gacan ka geysan karaan qoyaan-siinta dhulka, soo kabashada daaqa iyo kordhinta helitaanka biyaha.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha saadaasha iyo gargaarka ayaa xusay in roobabka ka badan celceliska ay sidoo kale keeni karaan daadad iyo fatahaado, gaar ahaan meelaha nugul. FAO waxay sheegtay in saadaasha Deyrta 2026 ay muujinayso fursad sare oo roobab ka badan caadiga ah ay ka da’aan qaybo badan oo Soomaaliya ah. Ayaa sheegtay FAO
Bulshada ayaa sidaas darteed loogu baaqayaa inay ka faa’iideystaan roobabka, isla markaana ay qaataan taxaddarrada looga hortagayo waxyeellada ka dhalan karta fatahaadaha iyo daadadka.

