Nigeri(WRB)Abu Musab al-Barnawi, ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, oo ka dagaalama Wadanka Nigeria iyo qaybo ka mid ah Galbeedka Qaaradda Afrika.
Muuqaal ay Arbacadii soo saartay Daacish, ayay ku sheegtay in Abu Musab al-Barnawi uu yahay hogaamiyahooda cusub, ee garabkooda ka dhisan Galbeedka Afrika (Boko Haram).
Muuqaalkan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa ay Daacish ku sheegtay wareysigii ugu horeeyay, ee laga qaado Abu Musab al-Barnawi.
Ma cadda halka uu ku dambeeyay hogaamiyihii hore ee Ururka Boko Haram, Abubakar Shekau. Boko Haram waxay sanadkii hore shaacisay inay ku biirtay Ururka Daacish.
Abubakar Shekau, ayaan tan iyo bishii August ee sanadkii hore soo saarin wax muuqaal ah, iyadoo leesla dhex maraayay in la qaarajiyay.
Muuqaal uu bishii January ee sanadkii 2015-ka ka soo muuqday Abu Musab al-Barnawi, ayuu isu sheegay inuu yahay Afhayeenka Ururka Boko Haram, waana ka hor intii aanay Boko Haram shaacin ku biiristeedii Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).
Al-Barnawi waxaa uu iminka u muuqdaa inuu bedeli doono hogaamiyihii mayalka adkaa ee isaga ka horeeyay.
Ciidamada Militariga Nigeria oo gacan ka helaaya dalalka Galbeedka Afrika qaarkood, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baacsi ku haayay Xoogaga Boko Haram.
ATEERA
HAMBALYO: MAAMULAHA LABAAD EE SHIRKADA AFGAAY TECHNOLOGY IYO MARWADIISA OO UU WIIL UGU DHASHAY DALKA HOLLAND
Heerenveen(WRB)- Maamulaha labaad ee shirkada Afgaay Technology It design Maxamed Ibraahim Cali iyo marwadiisa Faadumo Ibraahim Xuseen ayaa waxa uu wiil ugu dhashay magaalada Heerenveen ee dalka Holland taariikhdu markay ahayd 02/08/2016 wiilkaas oo loo bixiyay Xamsa Maxamed Ibraahim Cali.
Hadaba Tafatiraha iyo Soo Saaraha Wararka Ee Shabakadda Idale News Online iyo dhamaan howlwadeenadeeda waxa ay hambalyo dhalasho u dirayaan Maxamed Ibraahim Cali iyo xaaskiisa Faadumo Ibraahim Xuseen ayaga oo sidoo kalena Illaah uga baryayaa inuu Xamsa yare noqdo mid soo bar baaro naftiisa, waalidkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba anfaca.
Sidoo kale waxaa hambalyo midaas la mid ah u dirayo lamaanaha uu wiilka ugu dhashay dalka Holland guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed ee xiriirka la leh Afgaay Technology It design.
Sidoo Kale Waxaa Hambaliyada Dirayaa Dhamaan Shaqaalaha Iyo Maamulka Idaacada Warsanradio Oo Kla Ah
1=Agaasimaha Warsanradio:Hilaal Sheeq Shuceyb Sheeq Cabdulaahi
2=Muxidiin Xasan Maxamed Xusni
3=Siidcali Muuse Maxamed Ateera
4=Cabdulaahi Nuur Aadan Jeceelow
5=Bishaar Mayow Muqtaar Suldaanka
6=Faarax Xuseen Xaaji Waarow
7=Faysal Dhaayow Xuseen Faysal Yare
8=Shukri Cusmaciil Axmed Bidhaan
9=Zahra Sulemaan Muqtaar
Waxaan Leenahay soo Bar Baar Noqo Kii naftiisa, waalidkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba Intaba anfaca.
Muqdisho(WRB)Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya maxkamadeynta ciidamo ka tirsan AMISOM, oo horey ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay soo qabteen iyaga oo iibinaya raashin iyo shidaal loogu talo galay AMISOM.
Ciidamada la maxkamadeynayo waxaa sidoo kale ku jira saraakiil sar sare, waxaana wadarta guud ay tahay 17, iyadoo haatan la xukumay mid kamid ah saraakiisha.
Ciidanka la qabtay iyagoo iibinaya shidaal iyo raashin AMISOM ay leedahay waxaa maxkamadeynaya maxkamada ciidamada Uganda.
Askar ka tirsan AMISOM ayaa hore loogu maxkamadeeyay dalka Uganda iyadoo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada AMSIOM gaar ahaan dalka Uganda lagu helay dambiyo ah inay lunsadeen hanti.








Ninka taajirka ah ee Mareykanka u dhashay ee ganacsada ah, Warren Buffett, ayaa waxa uu ku xujeystay musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu shaaciyo canshuur celinta uu sameeyay.
Mr Trump waxa uu sheegay in uusan shaacin karin illaa maamulka dhaqaalaha ay ka dhameystirayaan hubinta.
Laakiin Mr Buffett waxa uu tilmaamay inaysan jirin shuruuc diidaysa in la bandhigo canshuur celinta dadkana loo ogolaado inay suaalo ka keenaan.
Asigoo ka hadlayay kullan ay qabteen taagerayaasha, Hillary Clinton, Mr Buffet waxa uu xaqiijiyay in asiga xittaa lagu wado hubin, uuna diyaar u ahaa inuu la kulmo Mr Trump, si ay u shaaciyaan canshuur celintooda.
Miami(WRB)Saraakiisha dhanka caafimaadka ee dalka Mareykanka waxay laba jibaareen digniinaha ay ka bixinayaan halista ay dumarka uurka leh ugu jiraan xanuunka Zika oo ka dillaacay magaalada Miami ee gobolka Florida.
Khubarada xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada CDC, ayaa ku wajahan magaalada Miami si ay u xoojiyaan xakameynta looga hortagayo inuu cudurka faafo.
Zika waxa uu leeyahay dhibaato weyn oo caruurta ay ku dhashaan oo ay ka mid tahay madaxyaraan.
Maamulka waxa ay sheegayaan in 14 qof ay qaadeen caabuqa kadib markii ay qaniintay kineecada deeganka ku sugan.
Dhammaan kiisaska cusub waxaa lagu arkay degmada Miami-Dade ee Florida.
Xarunta CDC waxa ay kula talineysaa dumarka uurka leh inaysan magaaladaasi aadin, lamaanayaasha dhowaantan tagay halkaasina waxay u sheegeen inay ka fogaadaan galmo ama uur, ugu yaraan laba bilood.
Digniinada safarada ee Zika la xiriira waxa ay ka dhaqan galeen qeybo kamid ah bartamaha iyo koofurta Amerika, Caribbean-ka iyo Cape Verde.
Gobarnatooraha gobolka, Rick Scott, waxa uu ku baaqayaa in khubarada ay u degdegaan baaritaanka looga hortagayo Zika.
Waxa uu muujiyay sida uu uga niyad jabay in aqalka Congress-ka uusan meelmarin dhaqaale lagula dagaallamo caabuqa Zika.
Uganda(WRB)Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay askarta booliis ah ee ciidanka Uganda ka tirsan oo qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in dowladda Uganda door weyn kaga jirto howsha midowga Afrika u joogto Soamaaliya taas oo ah sugida nabadda wadanka ku yaala geeska Afrika.
Danjire Madeira, ayaa sidoo kale, xusay in uu ku amaanay shaqadii ay ciidankaas ka qeybteen Soomaaliya mudadii sanadkan aheyd ee dalka joogeen.
Ciidanka booliiska ee wadanka Uganda ka socda ee Soomaaliya jooga ayaa waxaa ay howshooda tahay in ay tababaro siiyaan ciidanka booliiska Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Mudadii sanadka aheyd ee ciidankan ay Soomaaliya ka howlgalayeen ayaa waxaa ay ciidanka booliiska Soomaaliya ka caawiyeen tababaro ay kamid yihiin mabaadi’da aas aasiga ah ee ku dhaqanka sharciga kuwaas oo ay kamid yihiin ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta, in bulshada la shaqeyso booliiska iyo la dagaalanka argagaxisada.
(WRB)Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka Somaliya inay ku fashilantay dhanka Siyaasada iyo Suggida ammaanka.
Farmaajo ayaa sheegay Dowladda in laga doonaayay inay qaadato masuuliyada ku aadan suggida ammaanka Doorashada iyo guud ahaan dalka, balse taasi aysan muuqan, waxaana uu sheegay inay muuqato dayac badan oo dhanka ammaanka ah.
Wuxuu sheegay in amniga caasimada uu noqday mid sii xumaanaya, islamarkaana ay dhacayaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geysanayaan Kooxda Shabaab.
“Aniga waxaa ii muuqata runtii in laga gaabiyay amniga, waana dhaqanka Dowladda Xasan Sheekh lagu yaqaano oo waqtigeeda uu dhamaadka yahay dhanka Siyaasada ayuu ka gaabiyay, Madaxweynaha ayaa qirtay maalin dhaweyd markii uu ka hadlaayay waxbarashada sheegay in Dowladda dhanka Siyaasada ay ka gaabisay.” Ayuu yiri Farmaajo.
Fashilka Dhanka Siyaasada ee haysata Dowladda Federalka Somaliya ayuu sheegay inay qayb ka tahay fulin la’aanta balan qaadyada shacabka Somaliyed ay u balan qaado Dowladda Xasan Sheekh oo aysan ka dhabeynin.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay muhiim inay tahay Dowladda inay ku dadaasho suggida ammaanka dalka, maadaama la filaayo dalka inay ka dhacdo Doorashada dadban.
Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkaan dambe wuxuu noqday mid xumaaday, kadib markii ay sii kordheen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka iyo qaraxyada.
Beled-Xaawo(WRB)Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo ka wada degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo .
Howlgalka ayaa lagu baadigoobayaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan ururka Al-Shabaab oo xalay Nabadoon Caan ah ku dilay degmada Beled xaawo midkalena ku dhaawacay.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled- Xaawo oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeyay dil xalay loo geystay Nabadoon Idiris oo ka mid ahaa Nabadoona ugu caansan gobolka Gedo.
Bile Hufuud Ibraahim ayaa sheegay in dilka loo geystay nabaddoonka ay dambeeyeen ururka Al-Shabaab .
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu xaqiijinaayo amniga guud ee degmada Beled Xaawo.
Lamu(WRB)Ciidanka dowladda Kenya ayaa saakay howlgal ka wadda deegaano hoos yimaada degmada Luma ee dalka Kenya , ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Lamu ee dalka Kenya.
Taliyaha qeybta Booliska Lamu ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo inta badan weerar dhaba gal ah u geystay ciidanka dowladda ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Joseph Kanyiri Taliyaha Boliska Lamu ayaa sidoo kale hadlay Qarax miino oo shalay lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.
waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka dowladda Kenya.
Joseph Kanyiri ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan degmada Lamu ee dalka Kenya.
Kismaayo(WRB)Maamulka Jubbaland ayaa iska fogeeyay eedeeyn ka ka timid maamulka gobolka Gedo , taasoo aheyd in raashin deeq ah oo loogu tala galay shacabka kunool gobolka Gedo lagu musuq maasuqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah ,raashinkii loogu tala galay shacabka gobolka Gedo qeybo ka mid ahna qeybintiisa ay ka bilaabatay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan degmooyinka kale ee gobolka Gedo laga qeybin doono deeqdaasi.
Gudoomiyaha gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa dhawaan maamulka Jubbaland ku eedeeyay in ay musuq maasuqeen raashin deeq ah oo loogu talagalay shacabka gobolka Gedo.








