Radio Warsan – Baidao oo wada Diyaargarowga Munaasabada ee ku aadan abaalmarinta tartan aqooneedkii ee bishii ramadaan.
waxaana ka qabsoomin doonta magaalada Baydhabo

Radio Warsan – Baidao oo wada Diyaargarowga Munaasabada ee ku aadan abaalmarinta tartan aqooneedkii ee bishii ramadaan.
waxaana ka qabsoomin doonta magaalada Baydhabo


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deegaankan ayaa ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabeelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Shabaab waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga saarayo Al-Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin in wiil ama gabar Soomaaliyeed aan ku weyno dagaal aan ahayn kan Al-Shabaab, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan walaalnimada iyo wadajirka isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan.
.“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay hal cadaw, cadawgaasna waa Alshabaab, argagixisadu door kuma lahan dalkeenna, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in wadankaan laga ciribtiro Alshabaab, qofkasta oo Soomaali ah waxaa saaran masuuliyad in uu kaalintiisa ka qaato dagaalka aan kula jirno cadawga”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Al-Shabaab ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna intaas raaciyay in adeegga dowladnimada la gaarsiin doono degmooyinka iyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindise Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.
Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga saaray Al-Shabaab, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga saaray Al-Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.
.Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

Golaha Midowga Afrika ee (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada howlgalka midowfa Afrika ee ATMIS.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka, si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS wixii ka dambeeya Bisha Diseembar 2022.
“ Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga afrika.
Midowga Aftirka wuxuu soo dhaweeyay wada shaqaynta AU/UN ee u doodista dawladaha xubnaha ka ah AU, iyada oo ujeedadu tahay in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS iyada oo la xoojinayo awoodaha hawlgalka.
Midowga Afrika wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada dardargelinta ah ee ay DFS ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay dowladda inay si isku mid ah u sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan isku dhafka ciidamada si ay si hufan u hanato mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan.Bishii Abril ee sannadkan ayay ahayd markii uu dhaqan galay howlgalka ATMIS, kadib markii uu dhamaday waajibaadkii AMISOM.
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in howlgalka ATMIS uu dhamaado 2024.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu aheyd u bandhigidda bulshada heshiisyada arimaha deegaanka ay wada galayaan DFS, Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo Beesha caalamka kaasoo ah wajigii 2aad ee tababarada loogu magic daray maamulka deegaanka.
Agaasimaha wasaaradda Bii’ada iyo Duur-joogta Dowlad Goboleedka KGS, mudane Isnaaciil Sheekh Musdhaf, oo furitaankii tababarka hadalo kooban u jeediyey ka soo qeeyga;ayaasha ayaa diiradda waxaa uu ku saaray in aysan noqon ka qeeyb galayaasha kuwa indhaha un ka dawada casharada balse ay ku daraan fikirkooda iyo aqoontooda ku aaddan arimaha deegaanka si loo soo hormariyo hashiisyada.
Wasaaradda Bii’ada ayaa dardar waxaa ay ku waddaa wacyi gelinta bulshada iyadoo u qabaneeyso mar tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda arimaha deegaanka, marna dhireeynta deegaanka iyadoo bixineeyso geedo una qeeybineeysa bulshada si ay u talaalaan geedaha si deegaanka u noqdo mid leh cimilo qaboow oo aan laheyn jawi kulul.








Hoos ka Dhageyso:- fariin ku saabsan wacyi galin oo looga hortagaayo waxyeeladda Duumada ama Malaariyada
http//fb.watch/gXiS9aRH-R/

Baydhabo-{WMN}_Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horreysay ee sida gargaar caafimaad ay gaartay shalay gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiiskii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TBLF.
Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre.
Midowga Afrika, ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in dhinacyada isku haya Itoobiya ay ku heshiiyeen in la joojiyo colaadahii labada sano jirsaday ee ka socday waqooyiga Itoobiya.
Heshiiskii lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika, 2-dii bishan November ayaa dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo Jabhadda Tigrayga, iyo in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa gobolka, kaasi oo ay ka jirto tan iyo markii uu dagaalku qarxay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Baydhabo-{WMN}_Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhammaan gobolada dalka looga wada istaagay dagaalka Al-Shabaab, iyagana dhankooda ay bilaabayaan kacdoonkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka ku nool degaannada Koonfur Galbeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka Al-Shabaab
Madaxweyne laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in gobolada Baay & Bakool ay ka socdaan kacdoonka Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga suganyihiin hadana ay ka bilaabanayaan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxa uu ku soo aadaya xilli kacdoonka ka ah AL-Shabaab ay ka soconayaan degaanno katirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay AL-Shabaab.

Baydhabo-{WMN}_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baraawe.
Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga Fuliyey Caasimada, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee Udiyaar garoobey la dagaalanka Khawaarijta Alshabaab.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.









