ATEERA
Ciidamo ka tirsan Guutada kumaandoosta Danab gaar ahaan Guutada 16aad ee xoogga Dalka ayaa gobolka shabeellaha Hoose ka fuliyay Howl-gal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay Gobolkaas kaga sugan yihiin.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa waxaa ay sheegeen in Cidiamada ay Al-Shabaab kala Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.
Taliyaha Guutada 16aad ee Danab Cismaan Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah Al-Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka laga fuliyey Gobolka Shabelelaha Hoose
Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaaln howl-gallada inta Al:-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dhuusamareeb(WMN)_Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka wadaa kulamo kala duwan oo ku saabsan dhismaha Galmudug iyo xulista Baarlamaanka Cusub ee Maamulkaas.
Kheyre oo mudo laba Maalin ka badan ku sugan dhuusamareeb ayaa horey ula kulmay Saraakiisha laamaha Amniga,isaga oo kala hadlay Shaqaaqo habeeno ka hor ka dhacday Dhuusamareeb oo la sheegay in xal laga gaarey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay la kulmay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan inay ka wada hadleen arrimaha la xiriira xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug iyo Xubnaha 20 ah ee la siiyey Ahlusunna oo beelaha qaar ay kasoo horjeesteen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna,iyaga oo ka wada hadley Arimo ku saabsan Isku dhicii dhex marey ciidamada Dowlada iyo ilaalada Xarunta inji oo ah hooyga madaxda Ahlusunna wallow xal laga gaarey.
Dalalka Australia iyo New Zealand ayaa soo dhoweeyay sanadka cusub ee 2020 iyadoo sanadkana uu ku soo beegmay iyadoo dab xooggan uu ku dhuftay deegaano ka mid ah dalka Australia.
Waxaa soo baxayay baaqyo ku aadan in la baajiyo soo dhoweynta uu caanka u ahaa dalka Australia gaar ahaan magaalada Sydney sababo la xiriira dabka awgiis.
Magaalada Auckland ee dalka New Zealand ayaa noqday magaaladii ugu horeeyay ee soo dhoweeya sanadka cusub ee 2020.






Diinsoor(WMN)_Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa ka hadlay xaladda guud ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay isaga oo sheegay in ay wadaan qorshe maamul loogu samaynayo degmada Diinsoor.
Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in muddo dheer uu soo jiitamayay lagana fakaray qorshaha golaha deegaanka loogu samaynayo degmadaasi,dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in uu kaga mahadcelinayo dadka deegaanka sida wanaagsan ee ay uga shaqeynyaan arrintaa.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka oonfur-galbeed ayaa tilmaamay kaliya in aysan ku ekaan doonin barnaamijka golaha deegaanka hase’ahaatee la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka kale .
Halkaan Ka Dhageyso Codka
Dhageyso+Wareysi: Hay’adihii gar gaarka siin jireen shacabka degmada waajid oo hakad galay.
#Xigasho: Mustaqbalradio.net
Al-Shabaab ayaa ku dhowaad 72 Saacadood kadib waxey sheegatay mas’uuliyada Ismiidaamintii ka dhacday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Control Afgooye ee Galbeedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagi (Cali Dheere), ayaa Warbaahinta taageerta Shabaab u sheegay in weerarkan ay ku beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo askar Soomaali ah islamarkaana uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray.
Afhayeenka guud ee Al-Shabaab oo hadlayay 24 daqiiqo ayaa tilmaamay in qaraxaas uu khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen.
Si kastaba, Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta sheegay iney hayaan macluumaad la xiriira inuu dal shisheeye mas’uul ka ahaa weerarka Ex-Control Afgooye, kaasoo ay la wadaageen madaxda sare ee dalka.
NISA ma sheegin dalka ay ku tuhmayaan weerarkan, wallow warkooda uu yimid saacado yar uun kadib markii wargeys laga leeyahay dalka Tukiga uu qoray in Imaaraatka Carabta uu ka danbeeyay weerarkan, sababtana ay tahay inuu ku xumeynayo howlaha Turkiga ee dalkan.
Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah Villa Soomaaliya ayaa warka NISA ku sheegay inuu yahay mid mas’uuliyada weerarka looga leexinayay Shabaab, iyagoo sheegay inaan loo baahneyn warka ka soo yeeray Sirdoonka Soomaaliya.
Ku dhowaad 80 qof ayaa ku geeriyootay weerarkan, kuwaasoo u badnaa ardey waxbarasho u socotay, halka dhaawucu uu gaarsiisan yahay 178 kale, iyadoo ku dhowaad 40 qof oo dhaawacyada daran ahaa loo kala qaaday dalalka Turkiga iyo Qatar.
Muqdisho(WMN)_Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta Amniga Caasimadda Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Haweenka Qaranka, Guddoomiyeyaasha Degmoyinka, Ururka haweenka Gobolka Banaadir iyo dhalliyarada Gobolka, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo sidii looga hortegi lahaa dhagaraha ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay dardar gelin doonaan amniga caasimadda, waxaana ay shacabka Degmooyinka ka codsadeen inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si loo fashiliyo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray dhamaan laamaha amniga inay xoojiyaan nabadgelayda caasimadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso amniga magaalada Muqdisho.

















