Waa Sidee Xaalada Nolaleed Ee Dadkii Dib Ugu Soo Laabtey Magalada Baydhabo Ayadoo In Muda Ah Ay Ka Maqnayeen Dalka Somaliya Waxaa Ay Ku Jireen Xeryaha Dalka Keynya.






Waa Sidee Xaalada Nolaleed Ee Dadkii Dib Ugu Soo Laabtey Magalada Baydhabo Ayadoo In Muda Ah Ay Ka Maqnayeen Dalka Somaliya Waxaa Ay Ku Jireen Xeryaha Dalka Keynya.






The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) welcomes with joy the release of the Xog-Ogaal Editor, Abdi Aden Guled by the Somali government on Tuesday October 18, 2016, around 8:30 PM local time.
Abdi Aden Guled was arrested by Somali Intelligence Agency (NISA) and shut down the offices of Xog-Ogaal Newspaper on Saturday 15 October 2016 around 7:00 PM.
After discussion with Somalia’s Head of Intelligence, NUSOJ finally succeeded that Abdi Aden Guled to be released unconditionally.
General Gaafow head of intelligence confirmed NUSOJ that they will give back all office stuff to the editor tomorrow on Wednesday.
NUSOJ leadership as led by its Secretary General, Mohamed Ibrahim Moalimuu had been advocating for the freedom of the detained editor and the resumption of work by newspaper offices.
“We are relieved by the release of our colleague,” Mohamed Ibrahim Moalimuu, NUSOJ Secretary General said,
“We would like to thank all colleagues, media organizations and international partners who contributed to the release of Xog Ogaal editor” Moalimuu added.
We are now getting that two other journalists working with Aljazeera English plus fixer and driver have been arrested by Somalia security agency in Mogadishu after they returned from outside Mogadishu despite we haven’t yet got any details about their arrest. Hamza Mohamed a prominent journalist in Somalia is among the detained.
NUSOJ has a lot of concern over limitations of freedom expression and fair reporting to the electoral process during Somalia’s ongoing elections therefore we, call upon Somali government leaders, heads of regional states, national security agencies and presidential candidates to respect and guarantee freedom of expression, freedom of media.
Baydhabo(WRB)Lix iyo labaatan qof oo naafo ah oo ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa nolosha qoysaskooda ka soo saarta beer ay shirko ku yihiin oo ku taalla duleedka magaaladaas. Dadkan ayaa beerta oo afar hektar ah uga maarmay ku tiirsanaanta kaalmo ay bulshada ka heli jireen. Basal ay labo bilood ka hor tacbadeen ayaa diyaar u ah inay toddobaadkan goostaan oo ay suuq-geeyaan.
Beerta oo lix sano jirta wuxuu wax-soo-saarkeeda kobcay labadii sano ee la soo dhaafay, markaas oo ay soo kireysteen matoor si uu biyaha uga soo saaro mid ka mid ah labo ceel oo beerta ku yaalla, sida uu Raadiyo warsan u sheegay Mukhtaar Cali Isxaaq oo ah guddoomiyaha curyaamiintan shirkada ah. Laakiin sanadihii hore roob-yari ka jirtay gobolka ayaa baabi’ineysay dalag kasta oo ay isku dayeen inay tacbadaan. “Markii aan dhowr mar ku khasaarnay oo ay qallaleen galley, masaggo iyo sisin aan abuurannay ayaan go’aansannay markii aan matoorka helnay inaan khudaar u wareejinno,” ayuu yiri.
Maxamed Aadan Xasan oo ka mid ah curyaamintan ayaa Raadiyo warsan u sheegay in qof kasta oo iyaga ka mid ah uu saami ahaan u helo $20 mar kasta oo khudaarta soo go’da loo iibgeeyo suuqa Baydhabo. Toddobaad kasta mar ayay suuqa geeyaan khudaarta oo degdeg ku baxda, loona beerto in dhaqaale laga helo.
Si kastaba ha ahaatee Maxamed oo sharraxaya sida ay beertan wax uga beddeshay noloshiisa ayaa yiri “beertan ka hor waxaan aniga iyo qoyskeyga ku jirnay nolol adag oo kaalmo ku tiirsan. Way adkeyd in hal waqti xitaa dabka loo shido carruurta ama ay joogto iskuulka u tagaan. Balse hadda nin isku filan baan ahay, saddexda waqti waan cunnaa, afar carruurteyda ka tirsanna waxaan bil kasta joogto uga bixiyaa $24 oo ay iskuulka ku dhigtaan,” ayuu yiri. Labo xaas iyo sagaal carruur ah ayuu leeyahay.
Maxamed waa 39 jir ah xoolo-dhaqato ahaan jiray intii aysan horay abaar u ceyrteen. Dagaal Baydhabo ka dhacay 18 sano hor ayuu ku lugo beelay, wuxuuna hadda ku boodaa biro. Kooxda ay shirkada yihiin oo sagaal ka tirsan ay haween yihiin wuxuu u qaabbilsan yahay ka baaraan-degidda noocyada dalagga ee la beerayo ee markaas suuqa leh.
Beertan waxay sidoo kale shaqo u abuurtay dad aan naafo ahayn. Shan qof oo midkiiba uu bishii qaato $50 ayaa ka shaqeysa. Kooxda milkiyaddeeda lehna waxay marka ay ugu fiican tahay ka helaan lacag $2,000 oo qeyb dib loogu celiyo beerta, inta kalena ay iyaga iyo shaqaalaha qeybsadaan.
Mukhtaar ayaa sheegay in hay’adda Fursad Fund oo dhaqaale-ururin Soomaalida dhexdeeda ka sameysa ay rajo badan u abuurtay si ay u kobciyaan wax-soo-saarkooda, kaddib markii ay ku maalgeliyay $6,000 oo ay geedo-goyn iyo carro-geddin ugu sameysteen saddex hektar oo beerta ka mid ah oo howd ahaa. Waxay sidoo kale deeqdaas uga faa’ideysanayaan dhisme hadda socda oo lagu sameynayo barkad u keydisa biyaha roobka iyo dayactirka mid ka mid ah ceelasha oo biyo-yareeyay.
Dhulka ay beertan ku taallo oo howd ahaa waxaa iibkiisa iyo hagaajintiisa uga baxday lacag $40,000 oo Mukhtaar uu sheegay inay isugu jirtay deyn iyo mid ay ku caawiyeen qurbejoog iyo ganacsato. Lacagtaas ayuu tilmaamay inay inteeda badan bixiyeen, $5,200 oo hartayna ay rajeynayaan inay u magaan si tartiib ah.
W/Q/Wariye:Muxidiin Xasan Maxamed (Xusni)
Mudanaayasha baarlamaanka Puntland oo ay soo xaadireen in ka badan 50 Mudane waxaa shir Guddoominayay guddoomiyaha Barlamaanka PuntlandAxmed Cali Xaashi, waxaana Goob jog ahaa Guddiyadda doorashooyinka
dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland,Ururadda arrimaha bulshadda iyo Odoyaasha dhaqanka.
Mudanayaasha ayaa Dhagaystay Khudbadaha Musharaxiinta aqalka sare u matali doona Puntland kuwaasi oo maalinimada barito ah u qaadi doona codka aqlabiyada .
Musharixiintan aqalka sare ayaa ka horjeedinaya mudanayaasha baarlamanka Puntland khudbado ay ku akhrinayaan taariikhd nolaleedkooda iyo waxqabadkooda hadii xilkaan loo dorrto , waxaana ku jira 8 haween ah .
Madaxda Guddiyada ee heer federal iyo maamul Gobaleed ayaa hadalo kooban ka soo jeediyay shirka ka hor inta aysan bilaaban khudbadaha Musharaxiinta kala duwan .
Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub siyaasada Soomaaliya ayaa ka kooban 54 xubnood oo ka kala imaan doono Maamul Goboleedyada ,Puntland waxay qayb ahaan u heshay 11 Xubnood.
Baydhabo(WRN)Baarlamaanka koonfur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad Gobaleedkaas koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
Xubnahaan la doortay ayaa waxaa ka mid ah 2-Dumar iyadoo inta kale ay yihiin rag.
Halkaan ka Akhriso Xubnaha Akhalka Sare ee Baydhabo lagu doortay.
Zamzam Ibraahim Cali
Timiro Maxamed Cali
Xuseen Sheekh Maxamuud
Aadan Cabdi Aadan
Ilyaas Cali Xasan
Cabdikaafi Macalin Xasan
Xuseen Cali Xaaji Cabdalla
Cabdulaahi Cabdi Gurun
Dowlad Gobaleedka Koofur galbeed ayaa noqonaya Dowlad gobaleedkii sadaxaad ee soo dhameystira Doorashada xubnaha Aqalka Sare.












Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudana Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha maamulkaas iyada oo madaxweyne ku Xigeenna loo doortay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)
“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabellle, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Cali Cosoble iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Hirshabeelle, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystey qabashada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu si buuxda u dhammeystiray hirgelinta nidaamka Federaalka ay Soomaali qaadatay “dhammeystirka Maamulka Hirshabeelle, wuxuu dhammeystir u yahay hirgelinta nidaamka federaaleynta dalka , waana tallaabo loo qaaday dhanka baahinta xukunka dalka”
Ugu dambentii , Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka cusub ee Hirshabeelle isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan madaxda maanta la doortay.
Muuska oo ah dalaga labaad ee suuq geyn wanaagsan ka heystay dalka dibadiisa gaar ahaan wadamada carabta, ayaa joogsaday, markii uu guray wabiga Shabeelle.
Sababaha dhoofka muuska uu ujoogsaday kaliya intaa kuma koobna oo waxa jira sida ganacsatada dhoofiya ay shegayaan maraakiib aan laheyn qaboojiyaal in lagu qaado muuska ,iyo in ugu yaraan 21 maalmood wadada uu kujiro,taaso keenta in suuqyada ay tagaan iyagoo wax tayo aysan laheyn.
Halkaan hoose ka dhegeyso warbixinta
Baydhabo(WRB)Magalada baydhabo oo xarun kmg ah dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aad u wanaagsan oo dhanka amaanka kaasi oo Ay kashaqeyeen maamulka degmada ciidamada laka duwan iyo shacabka ku nool gudaha iyo degaanada katirsan magalada baydhabo.
Gudoomiyaha degmada baydhabo cabdulaahi cali maxamed (watiin) ayaa waxaa uu kahadley amaanka magalada baydhabo waxaa uu sheegey in sugada amaanka magalada si aad ah Ay ugu shaqeyeen dhamaan laamaha amaanka iyo shacabka isagoo amaaney shacabka kunool magalada baydbabo oo ku dadaaleen si loo heylo amaan Lisku Haleenkaro.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegey amniga manta kajira magalada baydhabo in lagu heley wacyigalin iyo isdhaxgal dheeri ah oo loo sameeyey shacabka ku nool tobenka xafadood oo ka kooban magalada baydhao.
Dhanka kale cabdulaahi cali maxamed (watiin) gudoomiyaha degmada baydhabo ayaa waxaa uu sheegey in dhawaan magalada ay ka dhici donaan doorashooyinka xildhibaanada dowlada goboleedka koonfur galbeed ay umatali donaan dowlada faderaalka somaliya waxaana uu baaq ujirey musharxiinta soo garaya magalada baydhabo in Maamulka ay kala shaqeyaan amaanka magalada baydhabo.
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)