Kenya(WRB)Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa su’aalo ka keenay toogasho ay boolisku ku dileen saddex gabdhood bishii September, saldhig boolis oo ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay si cad u dileen dad badan oo shacab ah oo ay ku tuhmeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale Daacish.
Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sidoo kale ciidanka ammaanka ay tacdiyo badan ay u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan , islamarkaana dowladda looga baahan yahay in ay dowrto xuquuqda shacabkeeda.
Afhayeen u hadlay ciidanka dowladda Kenya ayaa beeniyay hadalada uga yimid Ururada Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya , inkastoo uu qiray in ciidanka ammaanka ay talaabo ka qaadaan cidwalba oo lagu tuhmo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab.
Ciidanka dowladda Kenya ayaa looga baaqay in aysan dilin dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee ay qabtaan , lakiin ay maxkamad soo taagan.
ATEERA
Cadaado(WRB)Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shalay tagey magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Cadaado.
Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay si weyn u adkeeyn doonaan amniga magaalada Cadaado inta ay socdaan doorashooyinka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay madaxda maamulka Galmudug uu kala hadli doono howlaha doorashooyinka iyo sidoo kale xaqiijinta ammaanka magaalada Cadaado oo ah halka ay ka dhacayaan doorashooyinka xubnaha baarlamaanka maamulka Galmudug u matalaya dowladda Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana halkaasi gaaray madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale musharaxiin aad u faradaban.
Diinsoor(WRB)Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Xili Uu Lahadlaayey Idaacada Risaala Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Gacanta Ay Ku Soo Dhigeen Hub Ay Lahayeen Ciidamo Katirsan Urarka Al Shabaab Kadib Markii Weerar Ay Kuqadeen Degaan Lasheegey In Ay Ku Sugnayeen Urarka Al Shabaab Xiligaasi Oo Lasheegey In Degaankaasi Ay Kaqadeyeen Dadka Degaanka degen Waxa Layiraado Zakawaad,
Gdoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Howlgalkaasi Guul kagareen Ciidamada Booliska Gaarka Ah Koonfur Galbeed.
Dhanka Kale Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Sidii Wadi Donaan Howlgaladaan Kawadaan Degaanada Qaar Ee Katirsan Degmada Diinsoor Inta Lagaga xureynaayo Urarka Al Shabaab.
Unidentified assailants have gunned down an official working for Somalia’s justice ministry in Mogadishu on Thursday evening, relatives said.
Mohamed Aden Qordhere, the justice ministry worker was killed by Al shabaab suspects armed with pistols as he walked out of a mosque in Waberi district.
Sheikh Osman Omar, a relative of the assassinated official has confirmed the death of Qordhere, saying he was shot on the head by the gunmen escaped who escaped the scene shortly.
Late Qordhere was leaving a mosque after performing the evening prayers and heading to his house in Waberi district at the time of the attack, according to Sheikh Osman.
Cadaado-(WRB)- Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa fariin u diray Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka soo xulaya Xildhibaanada ka imaanaya Deegaanada Galmudug.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug Yuusuf Maxamed Maxamuud ayaa sheegay Odayaasha Dhaqanka in looga baahan yahay in si deg deg ah ay ku yimaadaan Magaalada Cadaado, si loo guda galo Howlaha Doorashada Galmudug.
Yuusuf Maxamed Maxamuud Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wuxuu Odayaasha Dhaqanka ugu baaqay in Saddex maalmood gudahooda ay ku yimaadaan Magaalada Cadaado, maadaama waqtiga haray uu yahay mid yar.
Gobolada Dalka ayaa waxaa hada ku sii qul qulaya Odayaasha Dhaqanka iyo Ergooyinka soo xuli lahaa xildhibaanada cusub ee ka imaanaya Gobolada Dalka, waxaana lagu wadaa in Dalka Bisha November ay ka dhacaan Doorashooyin.
Taliska Xoogga Dalka oo cadeeyay in duqayntii Gaalkacyo lagu dilay askar iyo rayid
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa shaaca ka qaaday in si khaldan ay u dhacday duqayntii subaxnimadii Arbacada ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, ayaa sheegay in duqayntaasi lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Xoogga iyo dad rayid ah.
Abaan Duulaha, ayaa War Saxaafadeed ku sheegay in dab saaxiibtinimo ay ahayd duqayntaasi, isagoo xusay inay xiriir la sameeyen dhinacyada ku lugta leh.
“Dab Saaxiibtinimo ayuu ahaa shilkaasi. Xiriir ayaan kala samaynay hay’adihii ay khuyseysay arrintaasi, baaris ayaan ku samaynay.” Ayuu yiri Abaan Duulaha.
Abaan Duulaha, ayaa yiri “Talisku wuxuu cadaynaya in dadkii masaakiinta ahaa iyo ciidamada lagu laayay duqayntaasi aysan wax lug ah ku lahayn Al Shabaab, deegaankaasina aysan Shabaab joogin.”
Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), ayaa sheegay in duqayntaasi Galmudug looga dilay 22 askari, halka 13 kalana looga dhaawacay.
Golaha Wasiirada Somaliya oo Khamiistii kulan ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia), ayaa magacaabay guddi baaritaano ku soo sameeya duqayntaasi.
Muqdisho(WRB)Sarkaalkan, ayaa waxaa uu ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Somaliya, iyadoo rag bistoolado ku hubeysan ay xalay ku dileen Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Maxamed Axmed Qoordheere, ayaa xilligii la dilaayay waxaa uu ka soo baxay Masaajid ku yaala xaafadda Cali Boolaay, oo Salaaddii Maqrib uu ku soo tukaday. Dembiile-yaasha ayaa wadada u galay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.
Dadka deegaanka, ayaa waxay xaqiijiyen in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay marxuumka ka toogteen qaarka sare, isla-markaana ay ka baxsadeen goobtii ay falka ka gaysteen.
Sheekh Cismaan Cumar oo ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa isna xaqiijiyay in rag hubeysan ay Degmadaasi Waaberi ku dileen Sarkaalkaasi.
Sheekh Cismaan Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Maxamed Axmed Qoordheere uu hadda ku magacawnaa Xisaabiyaha Idman ee Wasaaradda Cadaaladda.
Dhanka kale Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in ay ku daba jooggaan dembiile-yaasha, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.
Xaafadda Cali Boollaay, ayaa noqotay halka ugu badan ay dilalka ka gaystaan ragga bistooladaha la cararaya, ee sida dhow loola xiriiriyo mintidiinta Al Shabaab.
Mumbai(WRB)Maxkamad ku taalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Hindiya ee Mumbai ayaa maanta lagu wadaa in la soo taago 50 Dhalinyaro oo Soomaali ah, kuwaas oo loo heysto falal la xiriira Burcad Badeednimo.
Warbaahinta Hindiya ayaa horey u sheegtay in Ciidanka Ilaalada Badda Hindiya ay Dhalinyaradan ka qabteen xeebaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011 illaa 2012-kii, waxaana Garsooraha Maxkamadda uu sheegay in badankood ay qirteen dambiga loo haysto ee ah in ay Burcad Badeed yihiin.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Dhalinyaradaasi ku xiran Dalka Hindiya maanta la xukumi doono, kadib marka uu xukunka ku dhacana dib loogu soo celin doono Dalkooda.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday warkan iyadoo mudaharaadyo xoogan oo lagu diidan yahay falkan ay ka dhaceen qaar kamid ah Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxaana falkan si kulul cambaareeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Boqolaal Dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa falal Burcad Badeenimo, Argagixisanimo iyo Tahriib ugu xiran daafaha Caalamka, mana jirto Dowlad awood u leh in ay kula xisaabtanto xaquuqda ay Dhalinyaradaas Soomaaliyeed leeyihiin.
Boosaaso(WRB)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maalmahan socdaal shaqo ku marayay deegaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa shalay kormeer howlleed ku tagay Madaarka iyo Dekadda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socdey ayaa markii ay booqdeen goobahaan waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada Dekadda iyo Garoonka oo sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalaha dalka. Dhanka kalana waxay uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo casriyeeyn lagu sameeyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekedaha dalka, iyo sidii shaqadooda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Boosaaso iyo Madaarka Cusub ee dhawaan la sameeyey kaas oo loo dhisay qaab casri ah.
“Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar.
Ka hor booqashada uu ku tagey Boosaaso wuxuu Ra’iisul Wasaarahu tagey magalooyinka Garowe iyo Qardho halkaasi oo kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda, dhaqanka iyo qeybaha bulshada Puntland.
DHAGEYSO:Dowlada Koonfur Galbeed Oo Amaro Kusoo Rudey Musharxiinta Kala Duwan Ee Soo Garaya Magalada Baydhabo In Amaanka Magalada Aysan Qalqal Gilinin
Baydhabo(WRB)Magalada Baydhabo Oo Xarun Kumeelgaar U Ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Waxaa Maalmahaani Ku Soo Qulqulaayey Musharaxiin Iskugu Jiraan Kuwa Doonayaa Xildhibaanada Cusub Ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya Iyo Musharxiin Utaagan Qabashada Xilka Madaxweynimo Ee Dowlada Somaliya Ayaa Waxaa Si Aad Ah Loo Adkeeyey Amaanka Magalada Baydhabo Iyo Degaanada Kale Ee Soo Dhow
Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Uu Lahadley Laamaha Amaanka Baydhabo Iyo Musharxiinta Imaanaya Iney Gacan Kageestaan Sugida Amaanka Waxaana Uu Sigaar Ah Ula Hadley Musharxiinta Iney Amaanka Magalada Aysan Qalqal Galinin.
Dhanka Kale Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Dowlad Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Uu Baaq Ujeediyey Sarakiisha Kala Duwan Ee Ciidamada Booliska Gaarka Ah Iyo Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed Iney Si Aad Ah Ay Usugaan Amaanka Goobaha Ay Kadhici Donaan Doorishooyinka Xildhibaanada Cusub Ee Matali Doona Dowlada Faderaalka Somaliya Ee Lafilaayo In Ladhiso Dabayaaqada Sanadkaan 2016.
war-risaala-jimco-baydhabo-30-09-2016
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)









