Idaale(WRB)Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xooga dalka Somaliya oo iska kaashanaya ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Deegaanka Iidaale oo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Saldhigyo ciidan, iyaga oo guud ahaana gacanta ku haayo Deegaankaasi.
Weerarkaan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay Khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ee ay ku weerareen Deegaanka Iidaale.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case ayaa u sheegay Idaacada VOA in dagaalkaasi ay ku dileen 7 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Waxa uu sheegay dagaalyahanada Shabaabka inaysan fileyn in dagaal ay ku geli doonaan Deegaanka Iidaale oo Maamul ahaan Shabaabka ay gacanta ku hayaan, isaga oo intaasi ku daray dhanka ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed inuusan jirin Khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi.
Qaabka ciidamada ay ugu suuragashay qaadista weerarkaan qorsheysan ayuu Taliye ku xigeenka ku sheegay in ciidamada ay si aad ah u kala garanayaan Deegaanka Iidaale, waxaana iskaashi ay kala sameeyeen ciidamada Dadka shacabka ah oo uu sheegay inay naceen Ururka Al Shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku goodiyay inay sii wadi doonaan howlgalada qorsheysan ee Ururka Al Shabaab looga saarayo deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.
Al Shabaab dhankooda wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Khasaaraha ka dhashay dagaalka qorsheysan ee ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay shalay gelinkii dambe ku qaadeen deegaanka Iidaale oo ka tirsan Gobolka Baay.
ATEERA
DHAGEYSO+DAAWA SAWIRO:Ardey maanta Ka Qalan jabisey Jaamacada Koonfurta Soomaaliya
Baydhabo(WRB)Wasiiro ka tirsan xukuumada soomaaliya,siyaasiyiin xorey xilal kala duwan uga soo qabtey xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo marey,Agaasimayaal,Madaxda waxbarashada,waalidiin iyo ardey ayaa kasoo qeyb galey munaasabad loo qabtey 93 ardey oo ka qalab jabiyey jaamacada koonfurta oo kutaala magaalada baydhabo ee gobalka bay.
Madaxa jaamacada koonfurta soomaaliya maxamed cali kalaay ayaa marka hore goobta ka sheegay muhiimada munaasabada.
Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta injineer saalax sheikh cusmaan,wasiirkii hore ee gaashandhiga xukuumadii KMG aheyd cxakiin maxamuud fiqi ayaa u hambaliyey aradada qalan jabisey,waxaana ay ku dheeraden ka hadalka muhiimada wax barashada ay u leedahay dhalinyarada.







W/Q/Wariye:siidcali Muuse Maxamed (Ateera)
Gabon(WRB)Shacabka ku nool caasimadda Libreville ee dalka Gabon, ayaa bilaabay in ay keydsadaan cunno iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah, xilli la filayo in maxkamadda dastuuriga ee dalkaasi ay go’aan ka gaarto natiijadda lagu muransan yahay ee doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.
Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay bangiyada iyo dukaamada waaweyn ee caasimadaasi, ayaga oo iibsanaya wax kasta oo ay awooddaan.
Dadkaasi duukaameysanayay iyo ganacsatada ayaa ka walaacsan xaaladda kacsan ee uu dalkaasi galay, waxaana ay sheegeen in ay ka taxadarayaan rabshado dalkaasi ka bilowda.
Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay in hogaamiyaha mucaraadka, Jean Ping, uu qaadi doono mas’uuliyadda rabshadaha ka dhasha go’aanka maxkamadda.
Madaxweyne Cali Bongo ayaa lix boqol oo kun oo cod kaga guuleystay ninka la tartamayay ee Jean Ping, balse mucaaradka ayaa ku doodaya in doorashadaasi lagu shubtay.
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa kahadlay kheyraadka ku jira dalka Somalia iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga qaxayaan dalkooda.
Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada Africa ugu dhaqan waxa uuna tilmaamay in taasi bedelkeeda ay tahay mid Shacabka Soomaalidu ay yihiin kuwo dayacay dalkooda isla markaana aan maalgishan Gobolada ay kasoo kala jeedan.
Michael Keating, oo la hadlaayay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa ugu baaqay inay dib ugu laabtaan dalkooda oo ay dhaqaalo gishtaan.
Michael Keating, waxa uu Soomaalida ku eedeeyay inay dayaceen wadankooda isla markaana ay yihiin kuwo u jilicsan dhaqaalo gishiga wadamada ay dulsaarka ku yihiin.
Keating waxa uu Soomaalidaasi uu la kulmay u sheegay inuu raja wanagsan ka muujiyay dib u soo kabashada Somalia, gaar ahaan arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Horumarka.
Keating, waxa uu Soomaalida u sheegay in dalkooda uu yahay mid u saaxiib ah Ganacsiga iyo Kheyraadka qeybihiisa kala duwan, balse looga baahan yahay inay maalgishtaan, sida uu hadalka u dhigay.
Keating, ayaa inta badan la kulma Soomaalida ku dhaqan wadamada uu kolkaasi martida ku yahay waxa ayna is weydaarsadan Macluumaadyo kala duwan, isagoo dhanka kale ku booriya inay dib ugu laabtaan dalkooda.
Ugu dambeyntii, Arrintaani ayaa imaaneysa xili Beesha Caalamka ay goor sii horeysay sheegtay in Somalia ay cagta dhigtay wadadii loogu tallo galay.
Kenya(WRB)Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay bilaabayso howgal cusub oo ay kula dagaalamayso Al-Shabaab ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Taliyaha Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay bilaabeen howlgal ka dhan Al-Shabaab oo laga sameyn doono xuduudka u dhaxeeya labada dal.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalada Garissa deegaanada Hoos yimaada oo ay dhawaan weerar ku qaadeen khasaare kala duwan geystay.
Waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale isbadel weyn lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa weerar Khasaare geystay dhawaan waxa ay ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Hamey lagu magacaabo oo ka tirsan Degmada Garissa, kadib markii dagaalyahano Shabaab ka tirsan ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhiga.
Xoogaga Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan Xukuumadda Nairobi.
Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ay laba jibaari doono weerar ay ku qaadayso Al-Shabaab.
Baydhabo(WR)Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada ADRA ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigey iskuul Casri ah oo aan weligiis laga hergalin Degaanada Koonfurta Soomaaliya, ayna wax ku baran doonaan Ardeyda Koonfur galbeed Soomaaliya.
Munaasabada Dhagex dhiga waxa ka qiib Galey Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, Gudoomiyaha Gobolka Bay Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Hay’ada ADRA Ee Fuleysa Mashruucan iyo Waxgarad Kale.
Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliywo ayaa soo dhawayey mashruuca lagu horumarinayo waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan wuxu madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyey qaybta ay ka heleen mashruucaa horumarinta waxbarashada Dalka.
” Hay’ada ADRA ayaa waxay dhisaysaa Labo Iskuul oo Casri ah oo aan wligood laga dhisin Koonfur Galbeed, Waxaana laga kala dhisaya Magaalada Baydhabo iyo Degmada Afgooye Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan Naga go’an mar Weliba Horumarinta iyo Tayeyta Waxbarashada Degaanadayada” ayuu yiri Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.
Si kastaba ha haatee, Mashuurcan hada ay wado Hay’ada ADRA ayaa imaanaya Xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in uu jiro heshiis iskaashi waxbarasho oo ay wada saxiixdeen wasaaradda waxbarashada iyo midowga Yurub,isla markaana waxa heshiiskaas taabogelinaya hey’adda ADRA.
Sidoo kale heshiiskaas ay ku tilmaamtay DFS mid qiimo badan isla markaana waxay ay xustey in dowladda iyo maamul goboleedyada uu ka caawin doono dhanka waxbarashada iyo Tayeyta.
Ugu dambeyntii, Safrrika midowha Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo Hay’ada ADRA ayaa dhawaan sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii uu gacan uga siin lahaa Soomaalida arrimaha waxbarashaa ee caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn.
Afgooye(WRB)Dhame Amiin Maxamed Cusmaan taliyaha Saldhiga Booliska afgooye Ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka howlgala dagmada ay u diyaar garoobeen sidii ay iskaga difaaci lahaayeen Weerar kasta oo ka yimaada dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Taliyaha ayaa xusay inay foojiganyihiin Ciidamada Booliska Saldhiga dagmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose sida uu hadalka udhigay.
Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay xaafada Xaawo taako oo ka tirsan dagmada afgooye waloo saraakiisha booliska aysan faah faahin waxyaabaha lagu soo qab qabtay howlgaladaasi xalay ay fuliyeen .
Qeybo kamid ah degmada Afgoye,ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro ay kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab,balse Saraakiisha amniga ay sheegeen in xiligaan ay ka digtoonaadaan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Qasab in ay tahay Hal Maamul in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hada ka shaqeyneyso sidii Shirka ka socda Magaalada Jowhar looga mira dhalin lahaa oo Hal Maamul uu uga soo bixi lahaa.
Wasiir Odowaa ayaa sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in Maamul gaar ah uu sameysto Gobolka Hiiraan, wararkaasna ay yihiin kuwo aan loo fiirsan.
C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la isku daro, sidoo kalena Hal Maamul loo sameeyo.
Federal Parliament Speaker Mohamed Osman Jawari Thursday went to Baidoa the capital of South West state even as sources intimated he could be defending his seat as Speaker of the next parliament.
The speaker who was accompanied by some MPs did not address the media at the airport but proceeded to hold talks with elders and state officials concerning the upcoming elections.
A source intimated to Goobjoog News the first term speaker could be seeking a re-election for the seat and his visit was aimed at securing support from his clan members.
Candidates for both the Upper and Lower Houses have been making way to Baidoa ahead of elections which are expected to start this Saturday.
Ciidanka Suuriya ayaa shaaciyay in uu duulaan weyn ku qaadayo deegaannada ay mucaaradka ka haystaan magaalada Xaleb.
Waxa uu ugu baaqay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan deegaannada ay ku sugan yihiin xooggaga mucaaradka ah ee ku yaalla bariga magaaladaasi.
Warkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo Maraykanka iyo Ruushka ay kulan degdeg ah ka leeyihiin, sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad joojintii mudada kooban ka jirtay Suuriya.
Milateriga Assad ma aanu sheegay in duulaanka Xaleb ay ka qeyb qaadan doonaan ciidan lugta ah.
Deegaannada bari ee ay xooggaga mucaaradka ah ka haystaan Xaleb, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay duqeymihii ugu ba’naa bilihii lasoo dhaafay.










