Ugu yaraan toddobo qof oo uu ku jiro canug yar oo lix bilood jiray ayaa ka dhintay qarax ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay.
Gaari nooca dadweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa haleelay qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, xilli uu gaariga ku safrayay wadada xiriirisa Afmadow iyo Dhoobley, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Taabto oo 60km u jirta Dhoobley.
Dhibane-yaasha ayaa xalay la gaarsiiyay Dhoobley, halkaasoo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.
Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, waxaana uu ku soo aadaya, iyadoo shalay ay Jubbaland sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso.
Hay’adda Nabad Suggida ee Jubbaland ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxaa ay ku sheegtay in ay Magaalada Kismaayo ku fashilisay qarax miino, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada magaalada, ka dib markii qaraxaasi loogu xiray gaarigiisa. Nabad Suggida ma sheegin magaca ninkaasi iyo haddii falkaasi dad loo soo qabqabtay iyo haddii kalaba.
Wadada Dhoobley iyo Afmadow ayaa waxaa ku soo noqnoqday qaraxyada lagula eegto gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya, ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Admin
Warbixin kasoo baxday Dalka Mareykanka ayaa shaaca looga qaaday in sii hayaha xilka wasiirka Difaaca dalka Mareykanka Karistofar Miller loo xilsaaray inuu bilaabo qorshaha wadaxaajood lala furo dagaalameyaasha Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-qaacida ayna dowladda Qatar noqoto mid dhex dhexaadintaasi gogosheedi fidisa.
Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday
Kash Batel oo horey usoo noqday kuxigeenka Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha la dagaalanka Argagexisada e Golaha amniga Qaranka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanka uu hadda u jiheysto inuu wada xaajood la furo Al-shabab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.
Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo magacabay wasiirka Difaaca Miller kadib markii Mark Isber Wasiirki hore ee Difaaca Mareykanka uu is casilay ayaa booqasho ku yimid Somalia waxaana uu la kulmay askarta halkaan ka joogta.
Jariidada New York Times ayaa sheegtay in iyadoo ay jirto kabixitaanka Ciidanka Mareykanka haddana wasiir miller inuu doonayo sii wadida wada hadal loo furo Xukuumada Somalia iyo Dhaqdhaqa Al-shabab oo ay Qadar garwateen ka tahay, La taliyaha dhinaca amniga Qaranka mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu ka warhaayay safarkii Miller uu ku tagay Doxa in arimahaas wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa.
Miller ayaa quburada Gobolka ku tiriyaan inuu yahay qof aan sidaa uu lahayn khibrad diplomasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u xasaasisan
Mahdi Guuleed iyo Madaxweynaha Jubbland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe “Sawirro”

-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka goboleedka Puntland.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar).
Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ku wehlinayay socdaalkiisa wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay mid yihiin wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Duube, wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale.
dhanka kale Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo gaaray magaalada Garoowe eecCaasimadda Puntland ayaa waxaa kusoo dhoweeyay madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan labada golle ee Puntland.
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo gaaray magaalada Garoowe eecCaasimadda Puntland ayaa waxaa kusoo dhoweeyay madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan labada golle ee Puntland.
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka soo kictimay magaalada Kismaayo waxaana magaalada garoowe uu kaga qeyb gali doono shirka uu machadka cilmi baarista ee Heritage ku qaban doono magaalada garoowe .
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah musharraxiinta madaxwaynimo ee Soomaaliya, xildhibaanno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan ururada bulshada ayaa ka qeyb gali doona shirka, kaasi oo muddo saddex maalin ah ka socon doona Magaalada Garoowe.


















Ciidamo Haramcad ka tirsan oo maanta lagu daabulayo magaalada Beledweyne oo ku jirta xaalad Bandow ah

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya kuwooda u tababaran sida gaarka ah ee Haramcad ay maanta tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa waxa ay hawlgallo ka samayn doonaan magaalada Beledweyne oo maalmihii u dambeeyay ay ku soo badanayeen, bannaan baxyada looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle,isla markaana ay dalbanayeen dadka banaan baxa dhigayay in gobolka Hiiraan loo aqoonsado maamul gaar ah.
Sidoo kale isla maanta ayaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Haramadcad waxaa la sheegay in ay ka soo baxeen maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyagoo ku wajahan magaalaa Beledweyne.
Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in hadda ay joogaan degmada Matabaan ee duleedka ka ah magaalada Beledweyne, ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Beledweyne, inkasta oo aan la ogayn tiradooda rasmiga ah ee ay ka kooban yihiin.
Horay waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay bandow ku soo rogay gebi ahaanba magaalada Beledweyne, sidoo kalena dhaq dhaqaaqyo ka samaynayay xaafadaha ay ka kooban tahay, dadkana ku celinayay guryahay si ay uga hortagaan in aysan markale dhicin banaan baxyada hareeyay Beledweyne maalmihii u dambeeyay.
Booliiska Mareykanka oo shaaciyay xogta qof isku qarxiyay goob ay ka socotay xaflad Diimeed

–Booliska oo baaraya gaari xamuul ah oo saddex qof ku dhaawacay magaalada Nashville maalintii ciidda Masiixiga ayaa magacaabay qof laga shakisan yahay ka dib markii DNA lagu soo ururiyay goobta.
Saraakiisha gobolka Tennessee ee Mareykanka ayaa sheegay in DNA-da ay is yeesheen Anthony Quinn Warner oo 63 jir ah.
FBI-da ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan tuhmanayaal dheeraad ah inkastoo ay tahay xilli hore in a ogaado haybta dambiileyaasha.
Qaraxa ka dhacay banaanka xafiiska isgaarsiinta ayaa carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennesseeee gobolka Mareykanka iyo afar gobol oo kale.
Shiinaha oo xukun ku riday Weriyihii ugu horreeyay ee dalkiisa ka tebiyay xanuunka Covid-19

Gabadh weriye ah oo u dhalatay Shiinaha taas oo soo tebisay dillaacitaankii coronavirus ee magaalada Wuhan ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ah.
Zhang Zhan waxaa lagu eedeeyay “muran iyo abuuridda dhibaato”, oo ah eedeyn uu inta badan Shiinaha u adeegsado dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka.
Haweeneydan 37 jirka ah oo hore u ahayd qareen ayaa la xiray bishii May, dhowr bilood ayayna cuntada ka soontay. Qareennadeeda ayaa sheegay in xaaladdeeda caafimaad ay liidato.
Ms Zhang waa mid ka mid ah dhowr weriye oo dhibaato kala kulmay tebinta fayraskii ka dillaacay Wuhan.

Dowladda Turkiga ayaa digniin adag u jeedisay General Khalifa Haftar, oo dagaal kula jira dowladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee dalka Libya.
Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay uga diggayaan General Khalifa Haftar iyo ciidamadiisaba inay weeraraan Ciidamada Turkiga ee dalkaasi ku sugan.
Hulusi Akar ayaa tibaaxay in loo baahan yahay in dagaal-yahanada uu fadhigoodu yahay Bariga Libya isaga fogaadaan wax kasta oo horseedi kara in la weeraro Ciidamada Turkiga, haddii kalana ay wejihi doonaan cawaaqib daran.
Wasiir Hakar ayaa ku hanjabay in ay goob kasta ku beegsan doonaan dagaal-yahanada General Khalifa Haftar, taasina ay tahay inay maankooda ku hayaan.
“Dembiile dagaal Khalifa Haftar iyo kuwa taageeraba waa inay ogaadaan, haddiiba ay dhacdo in la isku dayo in weerar lagu qaado Ciidamada Turkiga in dagaal-yahanada ninkaa dilaaga ah ee Haftar, ay noo noqon doonaan bartilmaameed sharci ah, oo goob walba aanu ku beegsan doono. Waana inay taasi maankooda geliyaan.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga oo Sabtidii booqanayay ciidamadooda ku sugan Magaalada Tripoli.
Ciidamada Turkiga ayaa taageera xukuumadda uu fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli, oo dagaal kula jirta ciidamada uu hoggaaminayo General Haftar.
RW Rooble oo ku dhawaaqay inay la hadlayaan Madaxda tabashada ka qabta Arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya kaas oo looga hadlayey Dar-dar galinta hanaanka doorashadda dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caddeeyay sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon ku dhacda isagoo mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in xubnaha beesha Caalamka uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashada dalka, isla markaana kulankaas uu qeyb ka aha wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashada.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dalkaan uusan u wanaagsaneyn hadalo dalkaan dhibaao u horseedi karto, waxaana uu sheegay in cid kasta oo tabasho qabta in uu la kulmayo.
Hadalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Midowga Musharixiinta & inta badan xubnaha mucaaradka ay tabasho ka qabaan guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in lag soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

MUQDISHO- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo saaray 26-kii bishii 12-aad 2019 islamar ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.
Kulanka lagu saxiixayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxiixay sharcigaan ka dib, la hadlay warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax soo saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena uu yahay sharci horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka.
Wasiirka sido kale tilmaamay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo ku sugan.
Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-gelinaayo sharciga Shirkadaha Soomaaliya oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta ganacsiga, ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana si wada-jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda *IFC) kaasi oo gebo-gabadiina ku soo dhammaaday si guul ah.















Waxaa maanta ku eg muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo shaqeynayay muddo afar sano ah, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii la dhaariyay Baarlamaanka Labada Aqal oo wadajir ah.
27 bishii December 2016 ayay ahey markii la dhaariyay Xildhibaannada iyo Senatada Labo Gole ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, xilligaasoo markii u horeysay uu dalku yeeshay Aqal Sare.
Baarlamaanka Labada Aqal ee waqtigiisa dhammaaday ayaa dalku waxaa uu gelinayaa xaalad cusub, maadaama wali aysan dalka ka dhicin doorasho la isku raacsan yahay oo suura geliya Baarlamaan bedela Baarlamaanka hadda waqtigiisu dhammaaday.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo todobaadkii hore ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii heynayo illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11aad, si aanay u dhicin firaaq dastuuri ah, sida uu Dastuurka qodobkiisa 60aad uu dhigayo iyo wax ka bedelka sharciga LR 20.
Si kastaba ha ahaatee muddo xileedka ka dhammaaday Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka taagan hannaanka doorashada oo aan weli la isku raacsaneyn, waxaana Baarlamaanka 10aad uu waqtiga ka dhacayo, iyagoo aan ansixin miisaaniyadda sanadka 2021 oo ay soo gudbisay Xukuumadda, taasoo weli dood laga leeyahay.










