Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Golaha Musqtabalka ayaa su’aal geliyay sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay la wareegidda mas’uuliyadda amniga haddii ciidamada Midowga Afrika ay dalka ka baxaan.
Shariif oo caawa ka hadlayay shir jaraa’id oo ay mucaaradku ku qabteem Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay qiimeyn dhab ah oo ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya, xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.
Shariif ayaa uga digay in Soomaaliya ay wajahdo duruufo la mid ah kuwii horseeday burburkii Afghanistan, isagoo ku dooday in heshiis la’aanta siyaasadeed iyo musuqmaasuqu ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dalka.
Sida uu sheegay, haddii aan wax laga qaban arrimahaas, waxay wiiqi karaan hay’adaha dowladda iyo awoodda ciidamada, islamarkaasna wuxuu ka digay in dalka loo sahlo inay la wareegaan Alshabaab.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay ciidamada ammaanka u adeegsanayso khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha halkii ay xoogga saari lahaayeen la dagaallanka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay arrintaasi in ay dhaawici karto awoodda ciidamada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga.Shariif ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay mudnaanta siiyaan wada-hadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran, isagoo sheegay in xasilloonida Soomaaliya ay ku xirnaan doonto heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, iyo ciidan awood u leh inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
