Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee xaruntaasi dalkaasi.
Qaraxan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Lideta, waana meel ku dhow Bartamaha Magaalada Addis Ababa.
Warbaahinta dalkaasi ayaa warisay in saddex qof ku dhimatay, shan kulana ay ku dhaawacantay bam looga tagay Lideta. Dhammaan dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi ayaa ahaa hoy la’aan.
Ma cadda in qaraxaasi uu weerar ahaa iyo in kale, waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha ammaanka.
Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli lix toddobaad ay dagaalo ka socdaan Gobolka Tigreyga ee Waqooyiga Itoobiya, inkastoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Mekelle haddana waxaa hareeraha magaaladaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka iyo maleeshiyada Tigreyga.
Admin

Dowladda Somaliya ayaa maanta ciidan hor leh u daabushay Gobolka Gedo, xilli xiisad ay ka taagan tahay xuduudda Somaliya iyo Kenya.
Diyaarado siday ciidamadan ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow, iyadoona lagu wado in ay safar dhinaca dhulka ah ku taggaan Degmada Beled Xaawo.
Ciidamadan oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ayaa waxaa Garoonka Doolow ku soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor, Cumar Deeq Xasan, Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Nasteex Cabdi Saalax, Gudoomiyaha Degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.
Dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa ka jira xuduudda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dowladda Kenya ayaa Jimcihii waxay is bedel ku sameysay Ciidamadii Booliska ee xuduudda ku sugnaa, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u qalabeysan.
Dhaqdhaqaaqa ciidan ee xuduudda ka jira ayaa baqdin xoog lihi ku haya shacabka labada degmo, iyadoona Maamulka Degmada Mandhera uu ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo, lagana baaqsado wax kasta oo dagaal keeni kara.






Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isu keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo khilaaf diblomaasiyadeed u dhaxeeyo labada dal, kaddib markii dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.
Kulankan la isugu keenay labada Madaxweyne ayaa lagu dhex dhexaadinayaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu hordhac u yahay kulan guud oo goordhow dhex mari doona.
Ujeedka kulankan ayaa ah habsami u socodka shirka guud ee Madaxda IGAD dhex maraya in aanu saameyn khudbadaha xasaasiga ah ee ay jeedinayaan labada Madaxweyne.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhow ku kulmay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.
Qoraal kooban oo bartiisa Twitterka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Abiy ayuu ku sheegay inay ka wada hadleen xaalada gobolka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka IGAD.
Kulankan ayaa ka mid ah kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxda IGAD yeelanayaan, ka hor furitaanka shirka 38aad ee aan caadiga aheyn, kaasoo looga hadlayo xaalada gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay ashtako ka dhan ah Kenya u gubisay IGAD, waxaana ajandaha looga hadlayo shirka uu qeyb ka yahay xiisada siyaasadeed ee labada dal u dhaxeysa.
Shirka Agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DF iyo DG oo ka furmay Muqdisho

Shirka Agaasimayaasha Guud ee Wasaraadaha Arrimaha Dastuurka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxay u jeedadiisu tahay sidii loo sii dhaqaajin lahaa howlihii ka qabsoomay arrimaha farsmada ee dib u eegista dastuurka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa kaydinta howlaha mugga iyo baaxadda leh ee laga qabtay dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yhiin laf dhabarka hay’adaha.
Sidoo kale, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa nuqulka ugu dambeeya ee dib-u-eegista dastuurka, halka ay marayaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed, warbixinta ka sii ambaqaadka shaqada laga soo qabtay dastuurka muddo xileedka baarlamaanka 10’aad iyo u diyaargarowga iyo falanqaynta shirka lagu soo bandhigi doono casharada laga bartay intii ay socotay dib-u-eegista dastuurka.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Maxamed Abuukar Zubayr, waxaana ka qayb galaya agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo lataliyaasha, agaasime waaxeedyada iyo howl wadeenada wasaaraddaha Dastuurka heer federal iyo Heer dowlad goboleed.
Agaasime Zubayr oo shirka furay ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanyahay wada shaqayn iyo is xogwaraysi dheeraad ah oo ka dhexeeya agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dastuurka si loo ambaqaado howlaha dib-u-eegista dastuurka maadaama agaasimayaasha guud ay yihiin lafdhabarka hay’adaha dastuurka islamarkaana ay yartahay in ay isbedelaan marka loo eego wasiirada.
“waa muhiim in aan dib loogu laaban howshii mugga lahayd ee laga soo qabtay dib-u-eegista dastuurka, juhdigii iyo waqtigii galay si uusan u noqon hal bacaad lagu lisay, waa in aan ka shaqynaa sidoo loo sii ambaqaadi lahaa arrimaha laga qabtay dib-u-eegista dastuurka” ayuu yiri agaasime Zubayr.
Sidoo kale, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dastuurka Koonfur galbeed, Galmudug iyo wakiilka Hrshabelle ayaa kalmado ka jediyay kulanka waxayna soo dhoweeyeen kulanka nuucaan oo kale ah iyagoo sheegay in ay xoojinayso xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeya wasaaradaha dastuurka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee 38aad ayaa maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk oo ah Guddoomiyaha IGAD ayaa shir guddoominaya shirka, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti ee dalkiisa martigelinaya uu la shir guddoominayo.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa dhibaatada Gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaasoo dhowaan Milateriga dalkaas ay weerar ku qaadeen Jabhadda TPLF, iyagoo kala wareegay dhammaan magaalooyinkii ay maamulayeen.
Sidoo kale waxaa shirka looga hadli doonaa xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, oo dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay Kenya.
Arrimaha kale ee shirka looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah cudurka Coronavirus iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Gobolka.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ayaa ka jira xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo oo saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Sida wararku sheegayaan dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan ku daabuleysay degmada Beledxaawo, waxaana ciidamadan ay ka yimaadeen degmooyinka Luuq iyo Doolow.
Wararka ayaa sheegaya in dhanka Kenya ay dhaq dhaqaaqyo ka jireen, gaar ahaan dhanka Mandhera, iyadoo la soo sheegayay diyaarado helicopter ah oo kawi hoose ku duulaya oo lagu arkayay dhanka Mandhera.
Guddoomiy kuxigeenka magaalada Mandhera Maxamed Axmed Caraaye oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dhaqaaqyada ciidan ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo.
Waxaa uu sheegay in xaalada ay sii adkaaneyso, cabsi badan ay dadweynaha ka qabaan inuu dagaal dhaco, waxaa uu xusay in Mandhera ay tahay suuq weyn oo xoolaha laga iibsado oo muhiim ganacsi u yahay dadka ka soo jeeda saddexda dal Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Kumanaan arday oo dhanka Beledxaawo ka yimaada ay waxbarasho u soo aadaan dhanka Mandhera.
Guddoomiye kuxigeenka Mandhera ayaa xaqiijiyay in labada dhinac Soomaaliya iyo Kenya ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyada ciidan.
“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta inay isku noqdaan oo xiriirka labada dal dib u soo celiyaan, wixii dhib jira wada hadal lagu xaliyo, awalba xuduuda waa xirnaa, balse waa la isu gudbi jiray xaalada waa sii adkaaneysaa”ayuu yiri
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay jabhad ku hubeyneyso xuduuda, waxaana ay ka digtay in maleeshiyaadkaas soo weeraraan Beledxaawo, dowladduna ay difaaceyso madaxa bannaanida dhulkeeda iyo wadajirkeeda.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ka hadlayay munaasabadda sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadiisa ayaa farriin u diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
C/casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe kala shaqeynayaan sidii Jubbaland ku soo noqon laheyd sideedii, dadka walaalaha ahna ay nabad ku wada noolaan lahaayeen.
“Waa kala shaqeynayaa nabadda iyo sidii Jubbaland teedi ku soo noqon laheyd, dadkaas walaalaha ahna nabad ku wada noolaan lahaayeen, uma baahna maanta dad walaala ah oo xabad isku ridaya oo la yihaado ciidan baa soo socda, intii hore nagu filan, waxaan jecelnahay inay nala qaadan doonaan, anaga reer Koofur Galbeed ahaan ayaa isku xilqaami doona.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa soo hadal qaaday khilaafka ka taagan doorashada iyo walaaca siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta, waxaa uu sheegay inay mas’uuliyad iska saari doonaan sidii walaaca ay qabaan siyaasiyiinta loo xalin lahaa.
“Waxaa rabnaa inaan mas’uuliyad gooni iska saarno dhawaaqa iyo walaacii dadkii siyaasiyiinta ee xamar joogay ee cabashada ka qabay dorashooyinka una baahan in la isku qnaciyo la wada hadlo, waa tii aan horay u balanqaadnay waa u istaageynaa, waxa nagu muhiimsan waxay tahay sidii horay u ahaan jirtay inay dooarasho dhacdo si nabad ku dhacdo, waqtigeedana ku dhacdo ninka alle nasiibkiisa u qadaro uu Madaxweyne noqdo, marka doorashada meesha ay ka bilaaban jirtay qeylada oo la gaarin ayay qeylo bilaabatay waxaa jecelnahay inaan ayadana xalino”ayuu yiri Lafta Gareen.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa hadalkiisa u muuqday mid ka duwanaa hadaladii hore ka soo yeeray oo loo arkayay inuu dhinaca dowladda federaalka u janjeero, waxaana loo arkaa inuu door muuqdo ka qaadan karo arrimaha cakiran ee ka jira doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Aaska Saraakiishii Qaranka ee ku shahiiday Qaraxii Gaalkacyo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.
Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha XFS , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

















Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad (Sawirro)

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo gabagabeysay tababbar ku saabsan caafimaadka dhimirka.
Tababbarkan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa in xirfadleyaasha caafimaadku noqdaan tababarayaal arrimaha caafimaadka dhimirka, kuwaas oo sii tababari doona shaqaalaha xarumaha caafimaadka si adeega caafimaadka dhimirka loogu daro adeegyada ay bixiyaan una siiyaan taageerada lagama maarmaanka ah ee ay u baahanyihiin bukaannada qaba xanuunka dhimirka.
Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaan heysan goobo ku filan oo lagula tacaalo, waxeysa tababbarida xirfadleyaashan noqon doonaan kuwa wax weyn ka beddela haddii laga faa’ideysto.





















