Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Puntland iyo Galmudug.
Shirka ayay ahayd in maalintii Khamiista uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, hase yeeshee dib u dhaciisa waxaa lagu sababeeyay, iyadoo wafuudda qaar ay xilli dambe oo Khamiistii gaareen magaaladaasi, shalayna ay ahayd maalin nasiino oo Jimco ah.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa la fillayaa in maanta uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa dibadjoog ka ah Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, waxaase suurtagal ah in goor dambe lagu soo casuumo Dowladda Federaalka.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa isha ku haysa shirka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka rajeynaya inay madaxdu ka soo saaraan qodobo dalka looga dhaqaajin karo marxaladda adag ee ka dhalatay xilliga kala guurka.
Admin
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD kana mid ah Madasha Xisbiyada Qaran Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digey in la carqaladeeyo shirka lagu wado in berri uu ugaga furmo madaxda dowlad goboleedyada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada dhexe ay qaadi doonto cawaaqibka ka yimaada haddii la carqaladeeyo shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka.
“Waan soo dhoweyneynaa shirka madaxda dowlad goboleedyada kulamada ay ku leeyihiin Dhuusamareeb waana meel ay dadka Soomaaliyeed oo dhan indhaha ku hayaan.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxeynihii hore ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay warka ka soo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ee ku saabsan doorashooyinka,waxana uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan kala cadeyn loogana fadhiyo madaxda qaranka inay sharaxaad badan bixiso.
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Madaxda maanta tallada heysa in ay si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi looga baahan yahay in ay dalkooda badbadiyaan haddii Madaxda maanta ay ku guuldareysteen.
Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowlada federalka inuu dhowro dastuurka dalka u yaal.

Maxkamada sare ee dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu celisay dhismaha caanka ah ee Hagia Sophia ee magaalada Istanbul in uu noqdo masjid lagu cibaadeysto iyadoo dhismahaas uu haatan ahaa matxaf loo soo dalxiis tago.
Dhismaha Hagia Sophia ayaa sanadkii 1934 waxaa xukuumaidii ka jirtey dalka Turkiga u aqoonsatay inuu yahay matxaf loo soo dalxiis tago iyadoo xilligaa kahor dhismahan uu ahaa masjid ay dadka Muslimiinta ah ku cibaadeystaan.
“Waxaa la go’aamiyay in dhismahan uu yahay masjid lagu cibaadeysto wixii ka baxsan ee lagu sameeyana waa mid sharci darro ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maxkamad sare oo ku taal dalka Turkiga.
“Maamulkii ka bedelay dhismaha inuu noqdo masjid sanadkii 1934kii kana dhigey meel loo soo dalxiis tago wax sharci ah ma keenin.”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay maxkamada.
Hagia Sophia waxaa markii ugu horeysay laga dhigay masjid sanadkii 1453kii markii ay Cismaaniyiintu qabsadeen Constantinople.
Hase yeeshee maamulkii cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk ayaa ka dhigey matxaf sanadkii 1934kii.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay saameynta dhaqaale ee uu la yimd cudurka Covid 19 iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xoojinta koboca dhaqaale.
Wasiirka, ayaa Xusay in uu hoos u dhac xoogan uu ku yimid dhaqaalihii ka imaan jiray dekedah iyo Garoomada diyaaradaha,taasina ay sababtay in ay yaraadaan dhaqaalihii soo galayey wasaaradda maaliyadda,loona baahday Kab miisaaniyadeed oo la weydiisto caalamka.
Wasiir eyle,ayaa ka dhawaajiyay in isbadal lagu sameeyay miisaaniyadda , ka dib markii 70 milyan uu hoos u dhacay daqligii kutalagalka ee u degsanaa dowladda,wuxuuna intaa raaciyay in dadaal weyn loo galay sidii Dowladu ay u dabooli laheyd baahida adeegyada bulshada,isla markaana looga hortagi lahaa cudurka Korona Virus.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ka mahadceliyay dadaalka beesha caalamku ay u galeen ka gortagga cudurka Covid 19,Isagoo qiray in haddii,laga gudo marxaladda cudurka lagu dhaqaaqi doono kordhinta dhaqaalaha dalka.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dib u fureyso baarista kiiska saxafi la dilay 9 sano ka hor

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay dib u billaabeyso baaritaanka kiis dil ahaa oo dhacay 28kii Jannaayo, 2012 –dii , loona geystay Weriye la oran jiray Xasan Cismaan Cabdi oo loo yaqaannay “Fantastic” oo ka tirsanaa Warbaahinta Shabeelle ee Muqdisho.
“Fantastic iyo tobaneeyo kale oo xaq darro lagu dilay waxay qeyb ka noqon doonaan suxufiyiin la dilay oo dib galalkooda loo furi doono haddii Eebbe idmo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Warfaafinta Aadam Isaaq oo la hadlay barnaamij baaritaan ah oo ay si wada jir ah u sameeyeen hay’adda Justice for journalist iyo suxufiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka.
Barnaamijkan baaritaanka ah ayaa lagu ogaaday in xilli fiid ah , habeenkii Sabtida 28-kii Jannaayo,2012-dii, goor uu kasoo laabtay goobtiisa shaqada. In rag hubeysan oo ku libisan dharka ciidamada ay rasaas ku fureen, ugu dembeynna uu u geeriyooday Saxafigaas.
“Waan dhibaateysanahay illaa maanta. Caddaalad ma jirto. Ma jirto cid baaritaan ku sameysay dilka Xasan Fantastik. Waxaan joognaa rajo beel. Waxaan u baahanahay caawimaad. Kaddib dilkii seygeyga, ma awoodo inaan daryeelo carruurteyda,” ayeey u sheegtay Barnaamijkan baaritaanka ah oo la hadlay Xabiibo aadan Axmed , oo 35 jir ah, aheydna xaaskii Xasan Fantastic.
Xasan oo marka uu dhimanayay jiray 29 sano, wuxuu ahaa suxufi cod kar ah, sumcad bandanna ku dhex lahaa saxaadda saxaafadda . wuxuuna ku dhiiraday inuu baaritaanno ka sameeyo gudaha Muqdisho, xilli dhibaatooyin badan ay ka jireen caasimadda.
Barnaamijkaan wuxuu sidoo kale daaha ka qaaday in dilka Xasan Fantastik 28-kii Jannaayo,2012-dii,kadib hal habeen geeridiisa in ciidamada dowladda ay soo qabteen laba ruux oo lagu tuhmayay dilka saxafigaas, kuwaas oo lagu wareystay xarunta ciidamada dembi baarista ee CID-da, kadibna waxaa loo wareejiyay, xabsiga dhexe, iyadoo markii dembena lagu sii daayay hab aan qurux badneyn, iyagoo aan cadaaladda kasoo muuqan.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu halista badan caalamka ee saxafiyiintu ku shaqeeyaan, waxaa lagu dilay weriyayaal badan, kuwa kale ayaa lagu dhaawacay halka kuwa badanna ay waddanka isaga carareen kadib markii ay la kulmeen hanjabaado dilal ah.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo qudheeda ururrada saxaafadda ay ku eedeeyeen in dhowr weriye ay ku xad-gudubtay ayaa hadda hadalkaan kasoo yeeray wuxuu noqonayaa mid keeni kartaa wax-xoogaa nafis u noqon kara saxafiyiinta xaallada adag ku shaqeynaya iyo qoyska saxafigii la dilay.


Djiboutian soldiers serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) offload an assortment of medical supplies donated to Beletweyne General Hospital in HirShabelle state of Somalia to benefit local communities on 9 July 2020. AMISOM Photo
Beletweyne —The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday delivered an assortment of medical supplies to Beletweyne Hospital, to benefit local communities and boost medical services at the facility.
The supplies, which included cartons of chloroquine phosphate, amoxicillin and vitamins for malnourished children were handed over to Hiran Local Administration officials by AMISOM’s Djiboutian contingent at a function held at Beletweyne General Hospital, in Hirshabelle State.
AMISOM Sector 4 Public Information Officer, Lt. Ibrahim Yusuf Ahmed explained that the donation is intended to benefit the local communities who are presently not able to access AMISOM bases for medical assistance following the lockdown of AMISOM bases, including the one in Beletweyne, as part of wider measures aimed at stemming the spread the COVID-19 pandemic.Ads By Google“As you know the civilians were not able to access the camp for treatment due to COVID-19 lockdown therefore under the direction of the AMISOM Sector 4 Commander, Col. Rayale, we decided to hand over the supplies to the Hiran Administration. The donated medical supplies include Chloroquine phosphate to treat malaria, Amoxicillin and vitamin products for children,” said Lt. Ibrahim.
Lt. Ibrahim noted that more supplies will be availed to the hospital in future to cater for the needs of local residents, many of whom were affected by recurrent floods that hit the area.
“This is not the end of the medical supplies. We are waiting for another consignment and orders from the Head of Mission. We will continue providing support to the local population especially women and children through the local administration in Beletweyne,” Lt. Ibrahim stated.
The Deputy Governor of Hiran region in charge of Social Affairs, Hussein Osman Ali commended AMISOM troops for their solidarity, noting that the donation was timely.
“We handed over the medical supplies we received from AMISOM to Mr. Ahmed Khalif, the Coordinator of the Ministry of Health in Hiran region. The donation arrived at a time of need, especially when there are several reported cases of malaria due to the flooding of River Shabelle. It is evident that our AMISOM brothers closely monitor the needs of the community,” Mr. Hussein said.
On his part, the Director of Beletweyne General Hospital, Dr. Suleyman Abdi Ali thanked AMISOM for the donation of the drugs, adding that the donation will help the facility, which has lately been overwhelmed with cases of waterborne diseases, cope with cases.
“We appreciate the timely donation because it was supplied at a time we needed it most due to the outbreak of waterborne diseases as a result of the recent floods. The hospital receives an overwhelming number of patients due to the outbreak of diseases and I believe that this donation will help alleviate the situation,” Dr. Suleyman explained.
Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”
“Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press.
Xiriirka xun ee kala dhexeeya Shiinaha ayaa sababay in dowladnimo ay waydo Taiwan oo ah maamul dimuquraadi ah oo xiriir la leh illaa 15 dal oo keli ah, kamana tirsano Qaramada Midoobeey.
Sidoo kale inta badan hay’adaha caalamiga ah waxay xiriir toos ah la leeyihiin Xukuumadda Beijing oo keli ah.
“Waa muhiim in la arko Taiwan oo sare u qaadeysa shaqadeeda xiriir ee Bariga Afrika, xilliga oo ay baahi badan jirto,” ayaa lagu qoray Twitter-ka Laanta Amniga Qaran ee Mareykanka.
“Taiwan waa saaxiib ku fiican caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamo, iyo waxyaabo kale oo badan!” ayaa ka mid ahaa wixii lagu qoray barta NSC.
Farriintaas waxay daba socotay heshiiska dhowaan ay wada saxiixdeen Taiwan oo Shiinaha uu u aqoonsan yahay gobol dalkiisa ka tirsan iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Maanta oo Jimco ah ayaa qorsuhu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Shanta dowlad Goboleed ee dalka kajira,kaas oo uu marti gelinayo Maamulka Galmudug,hayeeshee waxaa la sheegay in shirkaasi uu dib u dhacay.
Wararka ay Warbaahinta Warsan Baydhabo ka heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababata uu shirka dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan,isla markaana Maalinta berito ah uu u furmo shirkooda.
Go’aanka Shirka Magaalada dhuusamareeb ilaa Beri dib loogu dhigay ataa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.
Ka sokor dib u dhigida shirkii gaarka ahaa ee Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dibka loo dhigay ayaa waxaa jira kulama gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xubnaha kale ee la socda kuna sugan Magaalada Dhusamareeb.
Wararka ka imanaya dalka Koofurta Kuuriya ayaa sheegaya in booliska dalkaasi ay heleen meydkii Duqa magaalada Seoul.
Duqii magaalada Seoul Park Won-soon ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin u muuqatay inuu ahaa dardaaran.
Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameeyay .
Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa,balse waxaa la aaminsan yahay in laga yaabo inuu is diley .
Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay .
Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha .
Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul.
Mr Park waxaa loo doortay duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii iyadoo xilikaas loo doortay markiisii seddexaad .
Ciidamada dowladda oo sheegay iney mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen Gobolka Shabeellaha hoose
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen iney weerareen deegaanka lagu magacaabo Urunji oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose, halkaaso oo ay sheegeen iney ku taallay maxkamad Al-shabaab ay ku kala saari jireen dadka u dacwa taga, sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha Ciidamada kumaandooska Danab qeybta 16-aad Gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay raadiyaha ciidamada ee SNA Radio ayaa waxa uu sheegay iney dileen 5 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin mas’uuliyiin ka tisan Kooxda Al-shabaab.
“Waxaan dilnay Cabdullaahi Dhagool oo Al-shabaab u qaabilsanaa uruurinta sakaawaadka iyo Shiikh Maxamed oo ahaa mas’uul Al-shabaab u qaabilsanaa maxkamad ku taallay deegaanka Ugunji, iyo seddex maleeshiyo ah oo ilaalinayay , kuwaas oo isku dayay iney dagaallamaan “ ayuu taliye maalin u sheegay SNA Radio .
Waxa uu intaa ku daray iney sii daayeen dhowr qof oo maxaabiis ahaan ugu xernaa Al-shabaab. Hase-ahaatee ma uu tilmaamin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.
Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan weerarkaasi ciidamada kumaandooska dowladda Soomaaliya ay sheegen iney ku qaadeen deegaanka Urunji ee Gobolka Shabeellaha hoose










