Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Puntland iyo Galmudug.
Shirka ayay ahayd in maalintii Khamiista uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, hase yeeshee dib u dhaciisa waxaa lagu sababeeyay, iyadoo wafuudda qaar ay xilli dambe oo Khamiistii gaareen magaaladaasi, shalayna ay ahayd maalin nasiino oo Jimco ah.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa la fillayaa in maanta uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa dibadjoog ka ah Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, waxaase suurtagal ah in goor dambe lagu soo casuumo Dowladda Federaalka.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa isha ku haysa shirka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ka rajeynaya inay madaxdu ka soo saaraan qodobo dalka looga dhaqaajin karo marxaladda adag ee ka dhalatay xilliga kala guurka.