
Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go’doomay halkaasi kadib markii cudurka safmarka ah ee COVID19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.



Masuuliyiinta oo howlo shaqo u aaday Turkiga ayaa ku go’doomay halkaasi kadib markii cudurka safmarka ah ee COVID19 uu sabab u noqday in duulimaadyadii caalamka kala xirxirmaan.


Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howlgal kula wareegeen deegaano cusub oo ka tirsan gobolkaasi.
Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool Mukhtaar Maxamed Cabdullaahi (Geesey) oo ka warbixiyey howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa sheegay inay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhaca bariga magaalada Xudur ee K/ Soomaaliya.
Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in deegaanada ay la wareegeen ay saldhigyo ku lahaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaarada Beeraha Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde lagula wareejiyay labo diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopter .
Diyaaradahan ayaa loogu tala galay in ayaxa ku habsaday qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ka buufiyaan, waxaana diyaaradahan loo dirayaa deegaanada qaar kamid ah maamulada dalka si ay ayaxa uga buufiyaan.
Wasiirka Beeraha Xukuumada Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabada diyaaradahan kula wareegeysay dowlada ayaa sheegay in loogu tala galay diyaaradahan in ayaxa ka buufiyaan gobolo uu ku habsaday.
Waxa uu sheegay Wasiirka laga soo bilaabo bisha july ee sanadkii hore dalka dhibaato badan ku hayay ayax , waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya kamid tahay wadamada ugu daran ee ayaxu aafeeyay.
Wasiir Ciid ayaa sheegay in diyaaradahan buufinta ayaxa ka bilaabi doonaan gobolada ugu daran ee ayaxu dhibaatada ku hayo kuna habsaday sida Galmudug, Puntland iyo gobolada maamulka Somaliland.
Ayax badan oo Soomaaliya soo galay sanadkii hore ayaa dhibaato badan ka geestay qaar kamid ah goolada Soomaaliya, ayaxa ayaana baabi’iyay dhul beereed badan iyadoona lagu guul dareestay in laga buufiyo dhulka uu ku degay.



Waxaa sii xoogeesanaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay biyo xireenka lagu muran san yahay ee dowlada Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil, khilaafkan ayaana u dhaxeeya dowladaha itoobiya, Sudan iyo Masar.
Dowlada Sudan oo wadahadal kula jirtay Xukuumada Adis Ababa ayaa ka biyo diiday qorshe ay la timid dowlada Itoobiya oo ku aadan qaabka loo buuxinayo biyo xireenka dowlada Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil,
Ra’isul wasaaraha Sudan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay in dowladdiisu aysan marnaba aqbaleyn qorshaha dowlada Itoobiya wadato ee ku aadan biyo xireenka wabiga niil iyo sida loo maareenayo.
Cabadalla Hamdok ayaa diidmada qorshaha Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin.
Dowladaha Masar iyo Sudan waxay cabsi aad u weyn ka qabaan biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso haddii lagu billaabo qabashada biyaha wabiga Nile iney biyo yari soo food saareyso.
Itoobiya ayaa mashruucan biyo xireenka ay dhiseyso waxaa uga baxaya balaayiin dollar, waxaana Itoobiya biyo xireenkan ka dhalineysa koronto iyadoona la filayo in bisha July ee sanadkan inuu billaabo keydinta biyaha biya xireenka uu u baahan yahay.
Dowlado badan oo caalamka kuyaala ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan waxa uu yahay cudurka Caronavirus si loo helo daawada cudurkaasi iyo sidoo kale talaal ka hortagaya.
Dowlada Mareykanka ayaa marar badan ku eedeesay dowlada Shiinaha in iyadu ka dambeesay faafitada cudurkan dalkeeda kasoo bilowday, waxaana Mareykanka mar kale Shiinaha ku eedeeyay in uu hadana doonayo in uu xado cilmi baarista Caronavirus.
Hay’adaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu taageerayo koox burcad ah oo isku dayayso inay xaddo cilmi baarista Mareykanka ee la xiriirta daweynta iyo ka hortagga Coronavirus.
War kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in FBI-da ay baareyso isku day ay sameeyeen koox burcadda internetka ah oo lala xiriiriyay Shiinaha kuwaas oo isku dayayo inay xadaan xogta cimli baarista ee raadinta tallaalka, daawada iyo baaritaanada cudurka.
Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday xeel dheerayaasha caafimaad iyo shirkadaha ku mashquulsan baarista Cudurka Caronavirus iyo helida daawadiisa in ay ka feejignaadaan kooxaha burcadka ee doonaya in xogta xadaan.
Shiinaha ayaa marar badan beeniyay eedeymaha uga imaanaya dhinaa Mareykanka, waxaana cudurka caronavirus xiisad weyn ka dhax abuuray dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka oo horey dagaal ganacsi uga dhaxeeyay.

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.
Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19.
Warsan News

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6.
Bukaanada cusub 38 ayaa rag ah 11-na waa haween. 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.
Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19.

Kumanaan qoys oo aay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle ayaa u barakacay daafaha magaalada Beledweyne, waxaana lasheegayaa in dadkaasi aay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca caafimaadka ah.
Dhaqaatiirta magaalada Beledweyne oo kormeer ku sameeyay deegaanka Ceeljaale oo aay ku barakaceen dadka ugu badan ee magaalada ayaa sheegay inaay ka walaacsanyihiin xaalada caafimaad ee dadka.
DR. Abshir Xaanshi Weheliye oo kamid ah dhaqaatiirta Beledweyne ayaa HOL u sheegay in halista ugu weeyn aay tahay qaabka aay dadku u dageen oo ah kuwa aad isugu dhaw, waxaana uu sheegay in aay halis caafimaad ka dhalan karto.
“Xiligan waxaa aad looga cabsanayaa cudurka Covid19, dadka aan aragnay waxaay u dageen qaab aan wanaagsaneeyn, aad ayaay isugu dhawyihiin waxaana ka dhalan kara cuduro. Waxaan si degdeg ah u bilaabeeynaa inaan bixino adeeg caafimaad oo bilaash ah, waxaan codsaneeynaa in shacabka gargaar loo fidiyo maadaama aay jirto baahi badan”. DR. Abshir Xaanshi.
Maamulka, hay’adaha iyo gudiga gurmadka ayaa indhaha ka qabsanaya dhibaatooyinka haysta dadka ka barakacay fatahaada wabiga shabeelle. Dadka ayaa aad uga cabanaya hooy la’aan iyo biyo nadiif ah oo aanan ka jirin deegaanada aay u barakaceen.
Fatahaada wabiga ayaa harqisay xaafadaha magaalada, waxaana jira meelo kooban oo aaysan biyuhu galin. Sidoo kale waxaa jira dad ku go’doomay xaafadaha qaar ee Beledweyne.

Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in hal sano oo dheeraad ah loogu daro joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
Madaxa golaha ammaanka iyo nabadda Smail Chergui ayaa isbuucaan u sheegay guddiga in ay muhiim tahay sii socoshada howlaha AMISOM ee Soomaaliya , taas oo ay ku ilaalinayaan nabadda durbana muuqata ee la gaaray, lana xaqiijiyay guulo badan.
“Waxaa lagama maarmaan ah in aan si taadarleh uga fikirno goolahii laga gaaray dhibaatadii ka taagneyd Soomaaliya, taas oo ay naftooda u hureen Soomaali badan, AMISOM iyo saaxiibbo kale, waana wax wanaagsan in geeddigaas horay loo sii wado si loo soo celiyo nabaddii Soomaaliya ka jirtay 30 sano ka hor”. Ayuu yiri Chergui
Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu intaa ku daray in ahdaafta la xaqiijiyay aan si fudud loo lumin, balse ay horay usii socdaan si qurux badan , oo xushmad badani ku dheehantahay, si wanaagsanna la isugu wareejinayo ammaanka dalka iyo gacan ku haayntiisa.
”Asbaabaha aan soo sheegay awgii, waxaan soo jeedin lahaa in ay guddiga sameeyaan hal sano oo dheeraad ah oo lagu kordhinayo waqtiga joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa la filayaa in ay ka fadhiistaan arrinta AMISOM inta lagu guda jiro bishaan, waxaana suuragal ah in ay u kordhiyaan waqtiga.
Guddigaas ayaa horay u qorsheeyay in sanadka 2021-ka in ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ay dalka isaga baxaan , ammaankana lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya , kadib tobannaan sano oo ay ciidamada AMISOM dalka joogeen.
Bishii February ee sanadkaan waxaa Soomaaliya laga saaray kun askari, taas oo tirada guud ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka dhigtay sagaal iyo toban kun (19,000) oo askari .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.
Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka.
Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaalaneysa dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadadka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.
Waxaa sidoo kale la boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.
