Hoos ka dhageyso Warka Duhur ee Idaacada Warsan oo aqrinayo Bilal Hilal Shueb
WARARKA MAANTA

Baydhabo-{WMN}-Barnaamijka Kulanka Warsan waxaad Caawa kaga boganidoontaan Wareeysiyo aad xasaasi u ah, khudbadiha shirarkii maanta Madaxda Somaliya ay ku qabteen Dalka iyo dibadiisa. waxaa Caawa soo saarey soona jeedinaaya Wariye Mohamuud Ali Abdullahi (Gaabshaa} Dhageysi wanaagsan.
Kenya Oo Duqeyn La Beegsatay Xarumo Isgaarsiineed Oo Ku Yaalla Degaan Ka Tirsan Gedo

Wararka aan ka heleyno deegaanka Carocaso ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaankaas ay saacadihii lasoo dhaafay duqeyn ka geysteen diyaaraddo ay leeyihiin Milateriga dowladda Kenya.
Diyaaradaha ayaa duqeynta la beegsaday Xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin degaanka Carocaso, waxaana la sheegay inay ku dhaceen dhowr gantaal oo kusoo rideen diyaaradaha Kenya ay leeyihiin ciidamada Milateriga.

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Maanta meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Muwaadinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Aadan Sheekh Buule ayaa waxaa markii hore lagu dhaawacay deegaanka kuwzakele ee duleedka magalada port Elizabeth isago waday gaari uu rooti ku wareejinayay, balse dhaawacii soo gaaray uu ugu Geeriyooday isbitaalka.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in marxuumka uu shalay ka badbaaday isku day dil xili uu waday gaariga ku wareejinayay rooti balse saakay mar kale la weeraray isagoo watay gaariga uu rootiga ku wareejinay
Ciidama ka tirsan booliska Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa la sheegay in ay baarayaan dhacadadan, waxaana sidoo kale goobta gaaray xubno ka mid ah jaaliyadda Sooomaalida gobolka eastern Cape
Toogasho Ka Dhacday Magaalo Ka Tirsan Mareykanka Oo Lagu Dilay Muwaadin Soomaali Ah

Nin Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Ninkan dillka toogashada ah lagu dilay ayaa ka dhacay meesha ay iska jaraan labadda wado ee Chicago iyo 6th Street ee u dhow garoonka U.S. Bank Stadium iyo Isbitaalka Hennepin.
Booliiska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ninkan la toogtay xalay saacada Mareykanka markii ay ahayd 9:00 habeenimo.
Sidoo kale booliiska ayaa sheegay in dhowr xabadood lagu dhuftay ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 30-meeyo, waxaana dherarkiisa lagu qiyaasay 5’10”.
Ninkan ayaa markiiba ku geeriyooday goobta lagu toogtay, waxaana la sheegay in ay goobta ka carareen dadkii toogtay.
Booliska ayaa sheegay in ay raadinayaa dadkii toogashada geystay, waxayna u malaynayaa dhismayaal u dhow meesha toogashaddu ka dhacday in ay ku carareen.

DFS waxay ku baaqday in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato.
Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u dirtay qoysaska iyo eheladii dadkii naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaas, iyo inuu Ilaahay degdeg caafimaad u siiyo kuwii ku dhaawacmey.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.
Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo
Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.
Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto.
Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison)
Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya.
Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood.
Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.
Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.
Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.
Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland.
Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.
Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni.

“Iyadoo laga duulayo awoodda uu siiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, si ay u ilaaliyaan hay’adaha federaalka waxay galeen Mekele oo ay shaqo bilaabeen”, ayaa lagu yiri bayaan ay haya’dda Booliska Itoobiya soo dhigtay barteeda Facebook.
“Waxay boolisku siinayaan ammaan dammaanad qaad ah hay’adaha fedeeraalka, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, korontada, adeegyada isgaarsiinta, bangiyada iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegga bulshada” ayuu raaciyay warsaxaafadeedkan.
Dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Tigrayga ayaa biloowday bishii Novermber ee 2020, iyada oo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamo u diray gobolka waqooyi kadib markii uu ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) inay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada.
Qiyaasta khasaaraha ayaa aad u kala duwan, iyadoo Mareykanku uu sheegay in dad gaaraya nus milyan qof ay ku dhinteen.
Colaadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay mid ka mid ah masiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa caalamka muddooyinkan dambe, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Heshiiskii 2-dii November lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa dhigaya in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada TPLF, dib u soo celinta maamulka federaalka ee Tigray iyo in dib loo furo gelitaanka gobolka.
AFP



