Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Madoobe ayaa ku guulaystay kursigii aqalka hoose ee uu ugu tartamaayay beesha hadame. Xildhibaanka waxaa kursiga kula tartantay Faadumo Maxamed Axmed taasoo intii aan codka la dhiibin u tanaasushay Xildhibaan Sheehh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu ku soo baxay 49 cod laba codna way xumaadeen.
Sidaasna waxaa shaaciyay Dr. Salaad Catoosh oo ka tirsan Gudiga doorashooyinka Federaalka Soomaaliya .
Waxaa xildhibaanka markii uu guulaystay kadib lahadlay ergada isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee codkooda u siiyeen sidoo kale wuxuu xldhibaanka u mahad celiyay Gudiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed isgoo hadlaya wuxuu yiri.
Waxaa kaloo manta la doortay xildhibaanka Beesha Gare oon lagu magacaabo Xasan Cusmaan Xuseen kaasoo helay 31 cod iyadoo natiijada uu ku dhawaaqay Gudiga Doorashooyinka dadban ee heer federal.
Waxaa xalay la doortay xildhibaanada beesha Tuni waxaana ku soo baxay Sharci yaqaan Genaraal Shariif Sheekhunaa isagoo ku soo baxay cod aqlabiyad ah iyadoo ay u codeeyeen Dhamman ergadii fadhiday hoolka wax lagu dooranayay.
Ganaraalka markii uu ku guulatstay kursiga islamarkaana ay ku dhawaaqeen Natiijada Gudiga wuxuu u mahad celiyay ergadii dooratay iyo gudiga wuxuuna balan qaaday in beesha dooratay iyo umadda soomaaliyeed si siman ugu shaqyn doono oo ay ku jirto daacadnimom iyo soomaalinimo
Iyo ala ka cabsi.
Muna khaliif oo ahayd gabar u tartamaysay kursiga beesha Tunni ayaa iyadan waxay noqotay xildhibaanadii labaad eek u guulaysatay kursiga iyadoo noqonaysa xildhibaanadii labaad ee da’yar ah eek u soo baxaday kursiga aqlka hoose iyadoo horay ay u soo baxday Hani maxamed aadan .
Waxaa lagu guda jiraa wajigii nugu danbeeyay ee doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka soomaaliya iyadoo hada xubnaha la doortay ay gaarayaan 60 xildhibaan waxaana harsan sagaal kursi oo lagu wado in la soo gabagabeeyo todobaadkan.