Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay written by Warsan Radio 26/07/2022 Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa aaga degaanka Laasqurun oo 20 km u jira degmada Feerfeer ee xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada liyuu Boolis & Xubno katirsan Al-Shabaab.Dagaalka ka dhacay dhinaca xadka Gobolka Hiiraan ayaa daba socday dagaalo culus oo Maalmihi la soo dhaafay Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmarayay degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo markii hore ka bilaawday meelo kamid ah Gobolka Bakool.Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalidda, Musrafe Cagjar ayaa sheegay in uu si adag u cambaareeynayo weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, isaga oo bogaadiyay jawaabta degdegga ah ee hay’adaha ammaanka degaanka ka bixiyeen weerarkaasWuxuu ugu baaqay shacabka iyo Dawladduba in ay kordhiyaan feejignaanta iyo kahortagga falalka lagu rabo in lagu khalkhalgaliyo amniga iyo xasiloonida Deegaanka, ayna sii joogteeyaan garabistaagga hay’adaha amniga oo ay muujiyeen, isaga oo faray muwaadin kasta in ay masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga shacabka degaanka.Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa diyaarisay Ciidamo farabadan oo Millaterigeeda ah, kuwaas oo Ciidanka degaanka Soomaalida ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Shabaab. Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sawiro;-Shir Olole wacyi gelin ah oo looga hadlayo arimaha deegaanka ayaa ka furmay magaalada Baydhabo next post RW Xamse oo shaaciyay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacad Warsan 28/10/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 13/08/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/05/2021 Xildhibaanadda Golaha Shacabka Oo Maanta kulan ku leh Muqdisho 04/07/2020 Dhageyso:-Ceel Biyood Laga Xergaliyey Magalada Baydhabo Kaas oo Ay Gacan ka Geysteen Ciidamda Amisoon 05/01/2017 Afhayeenka Gudiyadda Doorashooyinka Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayso Doorashada Dalku 16/12/2021 Dowladda Jabuuti oo walaac ka muujisay Colaada Itoobiya 18/11/2021 Akhriso:-Farmaajo oo sheegay in dowlada ay dib u soo celinayso nidaamkii waxbarashada lacag la’aanta ahaa 27/09/2018 Faah faahin ayaa waxeye ka sobaxeysa Weerar ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Canada 05/09/2022 Dhageyso: Olalaha Wacgilinta Dastuurka oo baydhabo lagu soo gaba gabeeyay 19/02/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.