Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta heshiis lagu dhex dhigay beelo dhawaanahan ku dagaallamayay Gobolka Hiiraan.
Heshiiska la dhex dhigay labadan beelood waxaa dhex dhexaadinayay Ciidanka AMISOM ee Jabuuti ka socda,Maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada Baladweyne iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Go’aannada ka soo baxay heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in Beeshii heshiiskan ka dib xabad billowda isku meel looga wada jeesto,lana ganaaxo $5,000 oo doollar,iyada oo la kaashanayo AMISOM,in wixii dhib ah ee dhaca lagu xalliyo shareecada Islaamka,in wixii ka dambeeyay Bishii October ee la soo dhaafay ka dhex dhacay labada beel lagu saleeyo Shareecada Islaamka.
Waxaa kale oo Qodoabda ka mid ah in Dadka tabanaya bur bur hantiyadeed ay u dacwoon karaan shareecada Islaamka lana marinayo iyada oo ay arrinta ku jiraan guddiga nabadeynta Gobolka.