Xaalad nolol xumo ayaa soo wajahday dadka Baraka cayaasha ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee ee degmada Buula Barde ee gobalka Hiiraan oo ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada .
Nolol xumada soo wajahday barakacayaasha ku nool degmada Buulo Barde ayaa timid iyadoo in muddo ah aysan helin gargaarkii kaladuwanaa oo ay ka heli jireen hey’adaha samafalka iyo dowlada soomaaliya.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaay in xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalo Buulo ay ka jirto xaalad nolol xumo oo aad u adag ayuu yiri’.
Degmada Buulo Barde ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee xiligan ay dhibaatada ku haysato dadka soo barakacay.
W/D: Bashiir cabdulahi cismaan
Beledweyne,soomaaliya
Attachments area