{WARSANRADIO}Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw qaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aanay jirin kiniisad cusub oo loo ogolaaday balse ay jirtay in kiinsadii hore u jiri jirtay in loo fasaxay inay ku cibaadaystaan dadka aaminsan diinta Kiristaanka ee wadanka ka hawlgalla.
Wasiirku waxa uu sheegay in dastuurka iyo shareecadda islaamku diidanayn in dadka ehelu kitaabka ah inay dalka yimaadaan oo ka shaqaystaan,isla markaana ma diidana in ay ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen.
“Dalka Somaliland wuxu leeyahay dastuur, dastuurkeeni wuxuu leeyahay ma ogola in diin aan ahayn ta islaamka in lagu faafiyo iyo in dadka Somaliland diintoodda bedelaan, shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland kama soo horjeeddo dadka ehelu kitaabka ahi inay dalkeena yimaadaan, oo ay ka shaqaystaan ama sifo sharci ah ku joogaan,mana diidayso inay dadkani ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen ee dhisnaa illaa xiligii ingiriiska toddobaatan sanno ka hor.”
“waxaanu cadaynayna in aanay jirin kiniisad cusub oo Hargeysa laga dhisay sida lagu faafiyey baraha bulshadda isticmaasho oo sawiro aan xaqiiqda ka turjumaynin oo been abuur ah lagu faafiyey , lama ogola in kiniisad cusub laga dhiso gayiga Somaliland”.
Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in digniin la siiyey gabadhii ajaanibka ahayd ee hadalkan loo turjuntay in kiniisad cusub la dhisayo ka soo yeedhay.
“Xukuumada Somaliland ee hadda tallada haysa waxay ku suntan tahay wacyiga diinta islaamka iyo horumarinta diinta islaamka sida Idaacada Quraanka kariimka ah, barnaamijyada kala duwan ee diinta ee ka socota warbaahinta dawladda, marna looga cabsan maayo arrimaha diinta”ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey.
Si kastaba ha ahaatee, hadal haynta kiiniisadan sodan sanno ka dib dib looga furay magaaladda Hargeysa ayaa noqotay arrimaha lagaga doodo goobaha la iskugu yimaado iyo baraha bulshadda isticmaasho taas oo lagu dhaliilayey dawladda inay ogolaato in dib loo furo kiniisad jiri jiray iyo mid cusub toonna.