Dhalinyarada Dalka Waxay Rabaan Inay Helaan Dowlad Ay Ku kalana Soonyihiin Taasi OO ah Mid U Adeegta Bulshada Iyo Dowlada. Kulan Loogu Magac Daray Sidee Dhalinyarada Ugu Qeyb Qadan Karaan Sugida Amniga iyo Hormarinta Dalka Oo Ay
Soo Qaaban Qaabisay Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed Waxan Ka Qeyb Galay Wasiirka Wasaarada amniga Xasan Xuseen Maxamed Xasan (Eelay)
Kulankan mudadii uu socday waxaa wasiirka dhalinyarada ay waydiyeen maxaa dowlada ay u tagi La,adahay Degmoooyinka Bokool iyo Shabeelaha Hoose aydoo taasi la ogyahay in hada dowlada ay Gacanta ku hayso. Wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamed Ayaa
isagoo ka jawaabayay Su.aalaha dhalinyarada waxaa uu sheegey in meesha manta la joogo shalay aan la joogin taasina ay tahay tilaabo u baahan in bulshada ay Ogaadaan si dowlada iyo shacabkeeda ay iskugu xirnaadaan kadib loo xaqiijiyo amniga guud ahaan Koonfur galbeed.