laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow written by Warsan Radio 31/05/2022 Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Magaalada Dhuusamreeb ee Caasimadda Galmudug ayaa bilaabay inay siweyn u adkeeyaan Amniga Magaalada halkaas oo la filayo in uu dhawaan tago wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Magaalada lagu dhex wato Gaadiid leh muraayadaha Madow ee (Bensalka), isla markaana uu kamid yahay waxyaabaha ay la dirirayaan.Waxaa uu sheegay in Gaadiidka leh Muraayadaha Madow ee Bensalka uu yahay mid lagu fuliyo falalka Amni darro sidoo kalena loo adeegsado waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato ku haaya Dhalinyarada Soomaaliyeed.Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore wuxuu hadalkiisa uu in taasi ku daray in Gaadiidkii lagu arko muraayadaha Madow Maanta laga hilaabo tallaabo laga qaadi doo o, sidoo kalena sida Al-Shabaab oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.Amarkaan kasoo baxay laamaha Amniga ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Garoowe next post Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray You may also like DHAGEYSO+Akhriso+ SAWIRRO:-Dowladda oo go’aan ka gaartay arrinta Qalbi Dhagax 06/09/2017 Diyaarad laga leeyahay Iran oo lagu eedeeyay in ay bariga Dhaxe ku faafisay Caronavirus 05/05/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/01/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/05/2021 Dowladda Mareykanka oo digtay mawaadinteeda ku nool dalka Jabuuti 12/06/2020 Col. Gabre oo laga eryay shaqadii uu ka hayay Urur Goboleedka IGAD 25/06/2018 Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Sarkaal katirsan Al-Shabaab 12/06/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/08/2020 Maamulka Puntlandoo maanta qorsheynaysa inay go’aan cad ka qaadato sharciyadii uu meel mariyay barlamaanka Soomaaliya 29/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 03/10/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.