Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhusa-mareeb ayaa sheegay in ay dowladda federaalka uu uga digayo in ay soo faragaliso arrimaha Galmudug.
Wuxuu sheegay Galmudug iyo Ahlu Sunna hal maamul kaliya isku yihiin, isaga oo intaa ku darray in uu saxayo hadalkii ka soo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.
โโGalmudug iyo Ahlu Sunna ma nihin, annaga hadda Galmudug baan isku nahay ย -waa run waan wada aragnay Wasiirka Aarrimaha Gudaha, Labo maalmood kaddib ayaan ballannay, walina war naguma soo celin, annaguna waan iska soo dhoofney .โ ayuu yiri madaxweynaha Galmudug oo inta ku daray โ ayuu yiri Xaaf.
Wuxuu sheegay in ka hadalka arrimaha Galmudug ee Wasiirka arrimaha gudaha dhinacooda u arkayaan faragalin dowladda federaalka ay ku heyso sida uu hadalka u yiri Galmudug
โDowladda Federaalka waxaa uga digayaa in aysan sameyn faragelin, Galmudug waa xor, baarlamaan ayay leedahay, wixii goโaano ah iyadaa gaareysa, cidii shaqsiyaad oo banaanka istaageysa ayaga ayay u taallaa, anaga cidna ma fogeyno, waa soo dhoweyneynaaโayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Khilaafka Galmudug ayaa hadda u muuqda mid meel sare gaaray, waxaana ay dowladda federaalku baaqday in ilaa 30ka bishan kulan isugu yimaadaan dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo, kaa oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.