Askari ayaa ku geeryooday 3 qof oo kalana wey dhaawacmeen markii dagaalyahanno hubeysan ay weerarren xilli dambe oo xalay ah saldhigga ciidanka sidda milateriga u tababarren ee Daraawiishta Puntland oo ku yaalla tuullada Canjeel oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta amniga deegaanka uu weerarka ka dhacay.
Taliyaha Saldhigga oo lugu Magacaabo, Fowsi Xasan Ismaaciil oo lahadlay Warbaahinta in dagaalyahannada soo weerarrey ay ka tirsanaayeen kooxda Daaciish oo dagaalyahanno taabacsan ay ku suganyihiin dhulka buuraleyda ah ee ku dhow deegaanka Canjeel.
“ Daaciish ayaa na soo weerartay buurta ku jira xalay markii ay ahayd toddobadii saac ayaa saddex jiho nagala soo weerarray hal wiil ayaa nooga dhintey waana iska difaacnay ayuu yiri Fowsi oo inta ku darray Weerarka waa ku dhaawacmey labo gabdhood iyo hal wiil… Raggii na soo weerarrayna dhaawac ayaa gaarey dhankooda
Markii ugu horreysay oo Tuullada laga maqlo weerar ay ka fuliyeen dagaalamayaasha Daacish waxaa ay ahayd October sannadkii hore ee 2017, waqtiga oo xilli habeen ah lugu diley guri ku yaalla Canjeel haweeney iyo wiil ay dhashay oo 15 jir ahaa, waxaana weerarka xalay uu noqonayo midkii labaad oo deegaanka ay fuliyeen kooxda.