{WARSANRADIO} Haweenka in ay wali ka yaryihiin heerka waxbarashada marka loo fiiriyo wiilasha, sida uu idaacada warsan u sheegay sheegatay Maxamed Aadan Taxi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka KGS.
“ ma filaynin in heerka waxbarashada gabdhaha uu ka hooseeyo natiijada ka soo baxday daraasaddan, waxaanfilaynay in ay daraasaddakasoobixidoonto natiijo u dhaxaysa 50% iyo tiro intaas kasaraysa celcelisahaan”. Sidaas waxaa yiri Maxamed Aadan Taxi.
Mar uu gudoomiye ku xigeenka xaruntan cilmi barista iyo daraasaadka KGS sharxayay u jeedooyinka loo furay xaruntan uu yiri.
“ waxaa loo furayxaruntan in lagu ogaado dhibaatooyinka ka jira deegaanada KGS oo ay qabaan dadkeeda taasoo u baahan in lagu sameeyo baaris si wax looga qabto” isagoo tusaale ahaan u sooqaatay abaaraha soo noq noqda, biyoyaraanta, heerka aqoonta gabdhaha iyo wiilasha iyo wax walba u baahan daraasad cilmiyaysan iyo baaris ku dhisan xog iyo helista xalkeeda.”
Xaruntan cilmibaarista ayaa ah tii ugu horaysay oo laga furo Baydhabo, taas oo u kuurgalaysa barista iyo ka lib keenidda arimha Bulshada hareeyay ee ku ahaaday darsid la’aan iyo baaris sabateeda oo la filayo xaruntan in ay wax badan kaqaban doonto haddii ay samayso daraasad sida kuwa ay samaysay simustaq balka loo helo natiijo looga shidaal qaato meelaha waxqabadka uga baahan tahay Bulshada Ku nool Koofur Galbeed Soomaaliya.
Halkaan ka dhageyso Wareysigaas oo dhan