{WARSANRADIO}Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan isu diyaarisay inay soo gutaan Waajibaadka Xajka iyo Culimada ku dhaqan ayaa waxay walaac ka in Xajka sanadkan uu baaqdo.
Kulankan ayaa waxaa xooggiisa looga hadlay cabsida la xiriirta suurta galnimada in Xujeyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliya inuu ka baaqdo xajka sanadkan, maadaama waqtigu gabaabsi yahay, walina aysan jirin wax war ah oo Dowladda ka soo baxay oo ku aadan arrinta xajka ee muddooyinkan ka taagnaa muranka iyo jahwareerka.
Sheekh Maxamed Nuur Macalin Ibraahim (Bukhaari) oo ka mid ah Culimada sida weyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in la siyaasadeeyo arrimaha Xajka, isagoo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ugu baaqay inay qaadato doorkeeda uga aadan in Waajibaadka Xajka la soo guto.
“Waa arin aad u fool xun in Kheyrkii eheyd in loo dagdago aan wali cid hadal heysaa jirin, ama ayba ku dhowdahay inuu baaqdo, Wasaarada Warfaafinta Idaacaddaha haka hadasho, ha sheegto in Xajka la’aadayo” ayuu yiri Sheekh Bukhaari.
Sheekh Maxamed Shiine iyo Sheekh C/Casiis Cabdulle Guure, ayaa iyaguna dhankooda ka sheekeeyay Taariikhda iyo sida ay ku soo bilaabatay in dadka Soomaaliyeed ay Sacuudiga u tagaan xajka intii uu dalka burburka ahaa iyo xilligan oo is bedelo ay dalka ka jiraan
Waxaa ay sheegeen in Xajka arrintiisa ay lama taabtaan aheyd tan iyo burburkii Dowladdii Dhexe oo dalka qalalaase ku jiray oo aaney Jirin Nidaam soo farageliya arrimaha Xajka, xitaa xilligii ay Muqdisho maamulayeen Hoggaamiye Kooxeedyadii.
“Waxaan Xasuustaa iyadoo Basas ay saaran yihiin Xujey Soomaaliyeed ay ku soo dhaceen Isbaaro, balse Wiilkii Isbaarada joogay ayaa yiri, gudba gaariga Xujeyda, waa lama taabtaan idinkee, Lkn hadda wixii dhan inay isbadaleen ayaa muuqata” ayuu yiri Sheekh Guure.
Xujeyda ka timid Gobolada oo soo gaaray Muqdisho ayaa iyana walaac ka muujiyay in sanadkan uu jahwareer galo xajka, isla markaana badankood qarash badan ku socdo, maadaama ay degan yihiin Hoteelo, ayna weli dhowrayaan war ku saabsan xajka.
Walaaca ku aadan inuu baaqdo Xajka sanadkan ayaa soo if baxay, kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyadoo xil ka qaadistiisa sabab u noqotay is qabqabsiga u dhaxeeyay Shirkadaha Diyaaradaha iyo dowladda Soomaaliya.
Arrinta ugu weyn ayaa ahaa in dowladda maamusho arrimaha xajka, lana dhimo qiimaha xajka sanadkan, isla markaana dhamaan shirkadaha diyaaradaha si siman dadka Xujeyda u qaadaan, hase ahaatee shirkadaha diyaaradaha Jubba iyo Daalo oo u xirnaa leenka Xajka ayaa noqday kuwo kaliya ee buuxiyay shuruudaha xajka, halka afar shirkado oo kale oo ay wateen xubno ku dhow dhow dowladda ay buuxin waayeen shuruudihii Boqortooyada Sacuudiga.