Baydhabo Somaliya{WMN}- Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Golaha.
Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub
Tallaabadan ayaa ka dhigan in dhammaan xubnihii Guddigaas oo u badnaa Mucaaradka in la kala diray, taasoo muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kala dirista Guddigan ay Xukuumadda gadaal ka riixeysay, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis.
Waa markii u horeysay ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda.