Waxaa maanta ku shiray magaalada Muqadisho xildhibaano isku tilmaamay in ay yihiin aqlabiyada Baarlamaanka kuwaas oo taageersan Madaxweyne Farmaajo. Kulankaan oo laga soo abaabulay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu muujiyo in Madaxwayne Farmaajo ka haysto Baarlamaanka taageeyo buuxda.
Xildhibaano ka qayb galay kulankii maanta ayaa u sheegay MOL in tirada rasmiga ah ee timid kulankii maanta uu ahaa 78. Qaar badan oo ka mida xubnihii ka soo qayb-galay kulanka waxaana si toos ah uga wacay guryahooda MW Farmaajo isaga oo ka codsaday in ay soo xaadiraan kulankii maanta.
Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodaya in kulankii maanta ay xaadar ku ahaayeen 130 xildhibaan. Mid ka mida xildhibanada shirka joogaay ayaa u sheegay wadaninews24 online in marka la fiirsho xildhibaanada soo xaadiray kulankii maanta ay fartiin cad u diray MW Farmaajo taas oo ahay in uusan haysanin tageero uu ku helo karo kalsoonida Baarlamaanka mar hadii cod la qaado.
Xildhibaan ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeedo Farmaajo ayaa yiri “.. Farmaajo hadiiba ay run tahay in uu hayso 130 xildhibaan iyo in ka badan muxuu uga baqayaa in uu ogolaado in cod loo qaado mooshinka laga keenay, jawaabto waa cadahay, ma hayso kalsoonida Baarlamaanka” . Farmaajo ayaa go’aansaday inuu ku da’daalo in uu baajiyo kulanka baarlamaanka isaga oo ku mashquulsan sidii lo xiri lahaa ama loo dhibaatayn lahaa gudoomiyaha baarlamaanka.