Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika written by Warsan Radio 06/08/2022 Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunku, inuu si aad u daran u saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.Thomas-Greenfield inkasta oo ay tahay ergeyga dawladda Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay, haddana sidoo kale waa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Joe Biden, waxay safar qaadanaya afar maalmood ay ku joogtaa qaaradda Afrika, iyada oo booqanaysa dalalka Uganda, Ghana, iyo Cabo Verde.Danjire Linda ayaa sheegtay in haatan la filayo in dadka cunto yaridu ku hayso dunida inay kor u dhaafto illaa 230 million oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan ku sii kordhiyey illaa 40 milion oo qof oo dheeraada.Danjiraha ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasoo diiradda lagu saarayo in lagu taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.Intii ay joogtay Accra, waxay ku dhawaaqday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadantinimo oo cusub oo Afrika ah, oo diiradda lagu saarayo qaxootiga iyo barakacayaasha. Maraykanka oo $127 million oo dollar oo cusub ugu deeqay qaaradda Afrika was last modified: August 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Itoobiya” Waxaan dilnay 800 oo ka tirsan ururka Al-Shabaab” next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso;- Galabnnimo ee Idaacada Warsan 07/09/2022 Shirkaddo shaaciyay in Adeegyada Isgaarsiinta gaarsiin doonaan Qasa 29/10/2023 Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Qoorqoor ? 04/01/2021 Dhageyso:-Dood dhexmari lahayd musharrixiinta Soomaaliya oo lagu kala tagay 01/02/2017 Axmed Madoobe oo Si gaar ah Talo ugu Soo jeediyay Dadka Reer Hiiraan,kadib Xasuuqii maanta dhacay 04/09/2022 RW Rooble oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan beesha caalamka 18/07/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 09/05/2022 Dawlada Jabuuti oo ka hadashay dagaalka Laascaanood ka socda 13/02/2023 Ururka Daalibaan oo maanta ku dhawaaqaya dhismaha dowlad cusub 03/09/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan. 17/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.