BAYDHABO{WMN}-Waxay gaareen heer ay qabtaan wax ay ugu yeereen dood wadaag bulshada rayidka ah qaybo ka socda ay ka soo qaygaleen taasoo ah mid kaliya lagu xalaalaysanayo dhaqaalaha deeq bixiyayaasha ugu talo galeen in lagu horumariyo ururada bulshada rayidka ah eek a jira maamul goboleedyada.
Waxay ka faa’idaysanayaan marxaladda kala guurka maamul goboleedka, bacdamaa xukuumaddii hore wasiiradeedii intooda badan booska ay ka bixeen kuwii kale ee dhowaan la magacaabayna aysan wali la wareegin xafiisyadoodii, taasina waxay keentay in hay;adaha qaar ay la yimaadaan shax loo magic daray “Kala guurka ku marso mashruuca”.
Baydhabo waxaa ka jira ururo badan oo ka shaqeeya arimaha bulshada, kuwaasoo qabta howlo badan oo waxtar u leh arimaha Bulshada iyadoo hay’adha ka howlgala Koonfur Galbeed ay sanad walba sheegayaan in ay ku baxiyaan qarashaad malaayiin gaaraya horumarinta ururada Bulshada rayidka, iyagoo warbixinadoooda sanadlaha ku qoro xisaabaad ururada bulshada rayidka warba ka hayn in ay ku qarashgareeyeen oo ay u qabteen siminaaro iyo dood wadaagyo sida kan maanta dhacay oo kale.
Dood wadaag ayaa loogu magic daray, waxaa loo ekeysiiyay mid ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan ururada Bulshada Bulshada rayidka, balse ma’ahayn, oo waxay ahaayeen dhalinyaro saraakiisha hay’adda IMO eek a shaqaysa Koonfur Galbeed ay magaalada ka qoratay, mid walibana loo sheegay in uu ka tirsanyahay magic loo yeeriyay oo ururada Bulshada rayidka eek a jira Baydho.
Lama ogaan lahayn xeeladooda haddii aysan jiri lahayn dabagalka ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed sameeyay, laba todobaad ka hora ayuu ururka helay xogta qabashada dood wadaagan magaca ururada Bulshada rayidka lagu marsanayo, waxaa jiray liis loo gudbiyay hay’adda IMO, kaasoo ay ku qornaayeen 15 wariye, kaasoo markii maanta uu furmay dood wadaaga uu gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed Muxudiin Xusni uu saraakiisha hay’adda u sheegay in liiska magacyada 15 qof ku qoran loo soo gudbiyay marka hal laga reebo 14 kale aysan ahayn wariyayaal magacyadooda u diiwaan gashan ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee SOWEJA.
Ma yara xadgudubyada ay gaystaan hay’adaha gaar ahaan hay’adda IMO, waxay iyadoo gabasha lahayn dharaar cad ku dhiiritay in ay qabato liisas ay ku qoranyihiin magacyo wariyayaal been abuur ah, iyadoo xitaa dib u eegis ku samaynin liiska loo soo gudbiyay magacyada ku qoran in ay yihiin wariyayaal ka hoowlgala xarumaha warbaahinta ku yaala Baydhabo. Tani waxay ku tusaysaa waaqici xog-ogaalnimada IMO in uu yahay mid aan buurnayn oo lahayn qiimayn iyo kadaba si loo hubi macluumaadka ay helayso mid sax ah oo leh ticraac wixii ka xumaado hadhoow loo eersan doono, haba ahaatee maxay ku marmarsiyoodeen markii ay isqabteen gudoomiyaha ururka suxufiyiinta KGS.
Suxufiyiinta KGS waxay leeyihiin urur ay ku midaysanyihiin oo leh hanaan maamul, kaasoo u taagan xiriirinta wariyayaalka oo marka ay hay’ad doonayso in ay qabato barnaamish dadka uga qayb galaya barnaamishkaas ka soo dhex xula wariyayaasha, balse hay’adda IMO taasi wey garab martay, ways aka sii sare martay, meel looga soo qoray magacyada liiska la yeeriyay ku qornaa, ma ahayn wariyayaal, si aan u xaqiijino jiritaankeeda waa kan gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed Muxudiin Xusni oo arintaasi xaqiijinteeda u tegay halka ay Hay’adda IMO ay ku qabanaysay dood wadaaga
Ma ahayn mid laga filayay in musuq intaa la’eg ay ku kici doonto hay’adda IMO isla markaana ay iyadoo ogsoon in uu jiro urur u taagan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta KGS ay aqbali doonto liis been abuur ah oo ay u soo gudbiyeen qaar ka mid ah saraakiisheeda iyagoon dano gaar ah tiigsanaya, haddana ay ogaan waydo in uu dhacay wax isdaba marin iyo musuq intii uu socday abaabulka kulanka dood wadaaga.
Kadib markii maamulka ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed uu dhamaystay dabagalkiisii una kaadiyay inta saraakiisha IMO ay ka qabanayaan barnaamishka, maxay sameeyeen, oo kaga dabaasheen xeendaabka musuqa ay sameeyeen ee ururka suxufiyiinta KG uu ka soo saaray daaha gadaashiis oo ebedba hay;adda IMO ku shaqaynaysay maantana ku soo golo joogsatay.
In ay ahayd hay;adda gaysatay xadgudubkan IMO ayaa xaqiijiyay gudoomiyaha suxufiyiinta KGS Muxudiin Xusni, waxaana uu sheegay in ay goobta joogeen saraakiil ka tirsan IMO, kuwaasoo aysan ahyn aqoondaro ku aadn maamulka ururka suxufiyiinta KGS, balse ay jirtay xaq duusi iyo iska indha tirid.
Ma yara gefafka loo gaysto xuquuqda wariyayaalka ha ahaadeen Dowlad goboleedka mas’uuliyiintooda iyo hay’adahaba, intii hore waxay ay ku shaqaynayeen dulqaad iyo turid, hayeeshee waxaa uu gudoomiyaha Saxafiyiinta koonfur galbeed luuqad adag ku yiri, in hadda iyo wixii ka danbeeya ka maamul ahaan cidna ka hibaysan doonin inyar oo xadgudub ah ciddii u gaystao wariyayaalka in ay ku daba gali doonaan ilaa lagu kala baxo sharciga, waxaan uu balan qaaday in ay samayn doonaan gudi dabagal iyo baaris ku sameeya hay;adha sida been abuurka ah magaca wariyayaasha ugu soo qaato mashaariicda ugana fushada deegaanada KGS iyadoo uusan ka warhayn ururka suxufiyiinta KGS.
Kiiskan ururka suxufuyiinta KGS ee ku aadan musuqa iyo wax isdaba marinta ka dhacay Hay’adda IMO ayaa ah kii ugu horeeyay ee caynkiisa ah oo ay ku kacdo hay’ad ka shaqaysa deegaanada KGS oo samaysa xadgudubka intaas la’eg ee lagu dafirayo xuquuqda wariyayaalka oo liisas wariyayaal ku qoran looga kayb galayo kulanada ururada bulshada rayidka iyadoo uusan ururka suxufiyiinta KGS ka war hayn, taasina waxay noqotay mid xaqiiqdii soo saartay fadeexad haddii ay sii socoto saamayn doonto hay’ado badan oo sidan oo kale warkeeda warbaahinta faafin doonto.