Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay written by Warsan Radio 09/08/2022 Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weeraro ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.Weerarada oo laba ahaa ayaa Kan koowaad waxaa uu ka dhacay degaanka deegaanka Illile oo ah deegaan hoostaga degmada Ceel-qaalow ee Magaalada Mandheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen 6 kamid ah askarta Kenya wallow weli weerarkaas aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya.Weerarka labaad ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandheere, kadib markii ay Al-Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen dhismo ay dowladda Kenya ugu tala gashay in doorashada ka dhacdo, balse lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas.Weeraradaan ka dhacay meelo kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli dalka Kenya ay Maanta ka bilaabatay doorashada Madaxtinnimada Kenya oo dadweynuhu ay codeeynayaan. Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Safiirkii Mareykanka u fadhiye Ruushka oo is casilay 05/09/2022 Xisbiga Mucaaridka Turkiga oo guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinka dowladaha hoose 01/04/2024 Dhageyso:- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 22/08/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 22/01/2018 Dowladda Soomaaliya oo Hay’ad Caalami ah oo kala hadashay gurmadka Abaaraha ee Dalka 23/08/2022 Dhageyso:-Maaliriyada oo ka mid ah cudurada dilaaga ah ayaa faraba’an waxaa ay ku haysaa bulshada ku nool Qradda Afrika, 25/04/2019 Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada degaano katirsan Shabeellaha Dhexe 17/10/2022 DF oo ku dhowaaqday dhismaha hay’ada batroolka (Aqriso magacyada xubnaha) 31/07/2020 In kabadan 60 ruux oo ku dhimatay weeraro ka dhacay dalka Nigeria. 14/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Sidee u Arkaan Shaqada Gudiga Gurmadka Abaaraha 04/07/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.