Baydhabo Somaaliya-{WMN}- Kaaamka Banjinaaay waxa uu ka mid yahay Kaamamka ku yaaala Magaalada Bydhabo Ee Xaruunta Ku gaar ah Ee Maamulka KGS qaar ka mid dadkii deganaa Kaamkaas ayaa Maanta nagu soo baaqdey Xaruunta Idaacada Warsan Ee Bydhabo oo ay ka hadleen Xaalada Kaamkaas.
Gadoomiyaha Kaamka Baanjinaay Aadan Malibow Iftiin oo ku jirey dadka Maanta soo booqday Idaacada waxa uu ka Hadley dhibka ugu weyn Ee ku heysto Gadoomiyaha isaga oo hadalkiisa siwataa waxa arabkiisa ku dhuftey in xitaa kaamka dhulkii uu daganaa laga guureyey.
Sido kale Gadoomiyaha Kaamka Banjinaaaay isaga oo hadal kiisa wataa ayaaa waxa uu ka Hadley sababta loogu guuriyey iyo Qaabka markii hore loo marey sida lagu siyey iyo waqtiga lagula heshiiyey in deganaanayan lasiyey.
Dhanka kale Mukhtar ibraahim oo ah gadoomiyaha Kaamka ay ku soo kor degeen dadkii laga kiciyey Banjinaaay waxa uu ka Hadley culayska ay dareemayaan maadama dad dheeraad ah ku sook or degeen wuxuuna tilmaamay dhibaatada qabsatay kaamka derikiisa ay haysato qaarkale oo barakacayaal ah maamulka KGS wuxuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibka ahaysta BArakacayaasha.
Intabadan dadka kunool xeriyaha barakaca Baydhawa ayaa dhibaatooyin kalakulma milkiilayaasha dhulka ay degenyihiin iyadoona maamulka Degmada Baydhawa iyo kan gobolka Baay aysan wax kaqaban arimahaas.
Weriye-maxamuud cali cabdulaahi