Baydhabo(WMN)_Gudomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Maanta si rasmi ah usoo xirey tababar Mudo labo Maalin ah Baydhabo uga socodey qaar ka mid ah Xildhibanada Haweenka ah ee ku jira Baarlamanka KGS.
waxana tababarkan lagu barnaayay sidii Haweenka Xildhibanadaha ee ku jira Baarlamanka KGS qeyb uga noqon lahaayeen Hogaaminta Dowlad Goboleedka KGS
siminaarkan ayaa waxaa ay soo qaban qaabisey wasaradda Haweenka Iyo Xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka KGS .
Xiritaanka Siminaarka ayaa ka soo qeyb galey Qaar ka Mid ah Xildhibanada Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan wasaradda Haweenka KGS.
Mudane Abdulkadir Shariif sheekhuna Maye Guddomiyaha Golaha wakillada KGS oo Tababarka soo xirey ayaa ugu horeen u mahadceliyay cid waliba oo gacan ka geysatey Qabsoomidda tababarkan loo qabtey haweenka ku jira Baarlamanka kGS.
Guddomiayaha Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka KGS ayaa ugu dambeyn la dar daaramey Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed isagoona Ku booriyay in Qof waliba oo muwaadin Reer KGS ah waajib ka saaran yahay jiritaanka iyo Horumaka Dowlad Goboleedka KGS in uu ka shaqeeyo.
ย