Baydhabo(WMN)_Agaasimaha guud ee wasaaradda wasaaradda Arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka soomaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Abdulahi Hassan ayaa Tababarka ka jawaabida Maamul ee u qareemida ka qeybgalka Dumarka,maanta ugu soo xiray xaruunta wasaaradda ee magaalada baydhabo,
110 (boqol iyo tobon) kamid ah gabdhaha aqoonyahanada iyo hooyooyinka ayaa tababar oo soconayey muddo labo maalin ah maanta u soo xiray agaasimaha wasaaradda,
tababarkan oo ku saabsanaa ka jawaabida maamul ee u qareemida ka qeybgalka haweenka siyaasada waxaana tababarkan soo qaaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha oo gacan ka helaysa ama ka taagyeero #SUPPORTED hay’adda #UNDP,
Dhamaan ka qeybgaliyasha siminaarka ayaa waxaa ay sheegeen in waxbadan ay ka faa’ideen kuwaasi oo marki hore ay u qabeen inaan dumarka qaban karin balse maanta u cadaatay in waxkasta ay sameyn karaan,
Mustaf Abdullahi Hassan Mustaf Adaf agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa haweenka tababarkan loo qabtay ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay ugu dhaga nugul yihiin dardargelinta howlaha dowlada wuxuuna yiri,
Waxaad maanta barateen waxaa la idiinka doonayaa inaad dib ugula laabataan bulshada una bidhaamisaan in dumarka ay qeyb kayihiin dowlada loona baahan yahay fikirkooda iyo shaqadooda runtii gabdhaha waxbartay waa in fursad la siiya oo loo qareemaa ayuu yiri Agaasimaha,